Sirdoonka Noway Oo Ka Digay Weerarro Argagixiso Oo Dalkeeda Laga Fuliyo
Oslo:July,29,2014(SDN/QJ)-Kooxaha Sirdoonka u qaabilsan Dalka Norway, ayaa soo saaray Digniino sheegay suurtagalnimada in dalkaasi ay ka dhacaan weerarro argagixiso.
Haweeneyda Madaxda ka ah Boliska Ammaanka Norway (PST), Bendicte Bojornland ayaa maanta Shir Jaraa’id ku qabatay caasimadda dalkaasi ee Oslo, iyadoo tilmaamtay inay qaadeen Tallaabooyin lagu adkeynayo Ammaanka Guud, si looga hortago weeraradda argagixisadda ee la filan karo.
Wargeyska The Norway Post oo aan warkan ka soo xiganay ayaa qoray inaanay Taliyaha Boliska Ammaanka Norway (PST) faahfaahin dheeraad ah ka bixinin cabsidaasi, inkastoo ay xustay inay hayaan Warar Loo-qaateen ah kaga digeen shaqsiyaad xidhiidh la leh Koox ka dagaalanta gudaha dalka Syria.
Wasiirka Garsoorka ee dalka Norway, Andres Anundsen ayaa isaguna sheegay inay hore u qaadeen Tallaabooyin dhinaca ammaanka, iyadoo ciiddamo dheeraad ah la dhigay xuduudaha laga soo gudbo, Garoomadda Diyaaradaha iyo Saldhigyadda laga raaco Tareenadda.
Hay’addaha Ammaanka ee dalkaasi ayaa dhowr jeer ka digay khatarta ka iman karta Muwaadiniinta haysta dhalashadda dalkooda ee dagaalka Jihaadka ugu ambabaxay dalka Syria, kuna biiray Kooxaha Islaamiyiinta ee isku magacaaba Dowladda Islaamiga ee Shaam.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com