|

Sirdoonka USA: Putin wuxu doonayey inuu “Trump caawiyo” & Dooda Madaxweyne Donald Trump

Washington 07. January 2017 (SDN/QJ):-Warbixin sirdoonka Maraykanku diyaariyeen ayaa sheegtay in madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, isku dayey inuu Donald Trump ka caawiyo sidii uu ugu guulaysan lahaa doorashadii madaxtinimada.

Warbixintan la shaaciyey waxay sheegtay in hogaamiyaha Ruushku “amar” ku bixiyey in la bilaabo olole looga dan lahaa in doorashada lagu saameeyo.

Moscow warbixintan kamay hadal laakiin Ruushku hore ayuu u beeniyey eedaymahaas.

Warbixintan markii lagu wargeliyey ee loo faahfaahiyey ka dib, Trump Ruushka waxaanu ku eedaynin uun in ay fara geliyeen doorashada, wuxuu se hadalkiisa ku soo gabagabeeyay in natiijadii doorashada aanay arrintani wax saamayn ah ku yeelan.

Warbixintan 25-ka bog ahi waxay sheegtay in Kremlin ku-waa aqalka looga arrimiyo Ruushkee- uu “si cad u danaynayey” in Trump guulaysto.

Warbixintu waxay intaa ku dartay in yoolka Ruushku ahaa in ay “wiiqaan kalsoonida shacabku” ku qabaan dimuqraadiyadda Maraykanka iyo in ay “liidaan” musharaxii xisbiga Dimuqraadiga Hillary Clinton, si ay u yaraadaan fursadaha lagu dooran karo iyo kuwa ay madaxweyne ku noqon kartaaba.

“Waxaanu yaqiinsannay in madaxweynaha Ruushku, Vladimir Putin, amar ku bixiyey in la bilaabo olole sannadkii 2016 kaas oo lagu beegsanayey doorashadii madaxtinimada Maraykanka” ayey warbixintu tidhi.

Comments are closed