|

“Sirdoonka Soomaaliya oo u Adeegsata Carruurta Hawlo Basaasnimo” Warbixin uu Wargayska Washington post ka Qoray Akhri

Washington 09.May 2016 (SDN/QJ):– Carruurta Soomaaliya oo sannado badan dagaallada qayb ka ahayd, iyadoo wiilasha la hubeeyo, isla markaana Al Shabaab iyo kooxaha kale ee Soomaliya ka dagaalama ay tababar siiyaan si ay dagaalada ugu adeegsadaan, ugana qaybgalaan dagaalka faranta hore, ayaa hadda Hay’adda Sirdoonka Soomaliya ubadkan u adeegsataa hawlo basaasnimo oo ay ku qasabto.

Qaramada Midoobay oo hore u ballanqaaday in ubadka Soomaaliya dagaallada laga saari doono, ayaa haddana dhawaan Al Shabaab u adeegsatay ubad yar yar hawlo is qarxin iyo shirqoolaba ah.

Carruurta ka soo goosta Al Shabaab amma ka baxsada, hubkana laga dhigo, doonaayana in ay mustaqbal dhistaan, ayaa haddana dawladda Soomaaliya u adeegsata hawlgalo khatar badan, laguna qasbaa in ay noqdaan dhambaal sidayaal amma in ay sheegaan dagaalyahannada Al Shabaab ee dhuumaalaysiga ku jira.

somalia child soldiers madeSannado badan ayaa hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA (National Intelligence and Security Agency) u adeegsanaysay ubadkan yar yar hawlgaladooda khatarta badan u adeegsada sida ay warraysi ku sheegeen ubadkan, Soomaaliya iyo saraakiil Qaramada Midoobay ka tirsan.

Ubadkan waxa loo kaxeeya degaannada hawlgalada laga fulinayo, lagana dhex badhaayo dagaalyahannada Al Shabaab si ay u sheegaan kuwa ay garanayaan wejiyadooda. Waqtiga hawlgalka ciidammada sirdoonka wejiyadoodu way qarsoon yihiin, balse wiilasha la adeegsanaayo lama qariyo sida ay carruurta yar yar xuseen. Qaar badan oo ka mid ah waa la dilay, halka mid ka mid ah oo xabsiga ku jirayna uu isku dayey inuu is daldalo cabsi aawadeed.

 

Arrintan ayaa hal-xidhaale adag oo jawaabtiisa u baahan ku noqonaysa dawladda Maraykanka oo dhaqaale iyo tababar ku caawisa hay’ada sirdoonka Soomaaliya, gaar ahaan hay’adda Mukhabaraadka ee CIA-da ayaa si toos ah u tababartay saraakiisha sirdoonka Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay CIA, ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo arrintan, iyadoo dawladda Maraykanku caawimo dhaqaale iyo mid tababar ba siisa hay’adaha ammaanka Soomaaliya oo ku kaca xad-gudubyo xuquuqal-insaanka ka dhan ah.

Ubadkan yar oo warbixin uu ka diyaariyey suxufi wargeyska Washington Post ka tirsan oo Maankaab soo xigtay waxa lagu sheegay in loo adeegsado in ay soo ururiyaan macluumaad, sheegaana xubnaha ugu khatarta badan Al Shabaab.

“Waxay igu qaadaan mararka qaar gaadhi, mararka qaarna lug,” ayuu yidhi wiil 15 jir ah oo Al Shabaab ka mid ahaa oo sirdoonka Soomaaliya gacanta ku dhigeen, waxaannu intaa ku daray; “Waa naxdin, sababtoo waxaad og tahay in qof kasta ku arkaayo adigoo la shaqaynaaya iyaga.”

Wiilkan yar oo ka mid ah 8 carruur ah oo wargeyska The Washington Post warraystay, ayaa caddeeyey in lagu qasbay in ay basaasnimo ahaan u shaqeeyaan marka ay Al Shabaab ka baxsadaan, waxaanay dhammaantood si isku mid ah u sheegeen in waqtiyo badan ay xabsiga ku jireen, isla markaana hawlgalo lagu qasbo, ilaa haddana qaar badan oo ka mid ah aan qoysaskoodu ka war hayn meel alaale meel ay joogaan.

 

Sirdoonka Soomaaliya ayaa wiilashan yar u yaqaana “Far-muuq” amma “Far-ku-fiiq” oo ay uga jeedaan in ay tilmamaan xubnaha Al Shabaab ka mid ah ee la raadinaayo.

Saraakiil Xuquuqal-insaanka Qaramada Midoobay u qaabilsan, ayaa sheegay in ay ku adkaatay in ay ogadaan wararka sheegaaya in goobo qarsoodi ah oo dawladdu Muqdisho ku leedahay ubadkan lagu hayo oo hawlgalada sirdoonku fulinayaan loo adeegsado.

Waxa ay ahayd uun dhammaadkii sannadkii hore markii saraakiisha Qaramada Midoobay ay hay’adaha Soomaalia ka dhaadhiciyeen in ubadka ay gacanta ku dhigaan loo gudbiyo goobo lagu dhaqan celiyo, isla markaana aan sirdoonku ka heli karin.

Madaxa Hay’adda Mukhabaraadka Soomaaliya, ayaa warraysi laga qaaday ku diiday in ubadkan ay ku qasbaan shaqada, isagoo sheegay in qaar badan iskood u ogoladaan in ay ka qaybqataan hawlgalada.

“Carruurta dagaallada ka soo qaybgashay wali way xidhan yihiin, sababto oah waa khatar, waxaanay hay’aan macluumaad muhiima. Wiilashan mararka qaar iyagaa iskood hawlaha u fuliya oo la shaqeeya ciidanka. Haddii ilmuhu Al Shabaab ku biiro isagoo 9 jir ah, waxa uu 16 jirkiisa noqdaa libaa,” ayuu yidhi Madaxa hay’adda Nisa Gen. Abdiraxmaan Turyare.

“Macluumaadka aan hayaa waa in xubno qoyskayaga iyo asaxaabtayda ah in ay Al Shabab ka mid ahaa. Waxaan ogahay haddii aan sheego in ay xaaladayda oo kale marayaan. Mararka qaar waxba ma sheego, waxaanan u sheega in aan waayey dad,” ayuu yidhi Cabdullaahi oo sidoo kalena caddeeyey in saraakiisha sirdoonku $2 dollar ku siiyaan qof kasta oo uu sheego.

Ubadkan yar yar ee hay’adda Sirdoonka Soomaaliya isticmaasho waxa ay halis ugu jiraan in Al Shababa waxyeelayso amma mustaqbalkooda ay wayaan.

 

Xigasho: The Washington Post

Comments are closed