|

Sirdoonka Somaliland oo sheegay in ay qabqabteen saraakiil ka tirsan NISA

Hargeysa July 30, 2024(QJ) -Hay’adda Sirdoonka Somaliland ee NIA, ayaa shaacisay inay gacanta ku dhigtay laba xubnood oo ka tirsan Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka Somalia ee NISA.

Maxaabiista ayaa loo haystaa inay qorshaynayeen dilal qorshaysan oo ka dhacay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, sida ay sheegayaan warar uu baahiyay Telefishanka afka dawlada ku hadla.

Hay’addu waxay kaloo sheegtay inay baadi-goob ugu jirto lix qof oo kale oo la rumeysan yahay in laga soo diray Muqdisho. Si kastaba ha ahaatee, Somaliland ma aysan shaacin magacyada iyo sawirrada shaqsiyaadka la xiray.

Ilaa hadda ma jiro wax jawaab ah oo ka soo baxay sirdoonka Soomaaliya oo ku aadan eedeymahan.

Comments are closed