Sirdoonka Somalia Oo Sheegay Inay Ka Hortageen Weeraro Al-Shabaab Ku Qaadi Lahayd Xalane
Muqdisho, 02.Jan 2016 (SDN/QJ):- Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed, Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare ayaa shaaca ka qaaday in ay fashiliyeen Weerar qorsheysnaa oo la doonayay in lagu qaado Xarunta Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.
Janaraal Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare ayaa sheegay in Xubno ka tirsan Al Shabaab oo watay Gaari ay doonayeen in madaafiic ay ku weeraraan Xarunta AMISOM ee Magaalada Muqdisho balse laga hortagay sida uu hadalka u dhigay.
“Wuxuu ahaa weerar qorsheysan balse waxaa ku baxay Ciidamada Nabad Sugidda iyo kuwa AMISOM, wayna ka fashiliyeen Weerarkaasi” ayuu yidhi Taliyuhu.
Wararka ayaa sheegaya in Al Shabaab ay tiro maadaafiic ahaa ay ka soo tuureen Degaanka Jazeera ee Duleedka Magaalada Muqdisho.
Ilaa iyo haatan lama soo sheegin wax khasaaro ah oo ka dhashay Madaafiicdan oo ay soo tuureen Dagaal yahano ka tirsan Xarakada Al Shabaab.