|

Sirdoonka Pakistan Oo Gacanta Ku Dhigay Nin Loo Tirinayo Dilka 140-Ruux

Peshwar:Feb,24,2015(SDN/QJ)-Wararka laga helayo waddanka Pakistan, ayaa sheegaya in sirdoonka dalkaasi gacanta ku dhigeen Nin kamid ahaa raggii hoggaaminayey weerar lagu laayey dad gaadhay 140-qof oo intooda badani Arday ahaayeen.

cunaaWeerarkaasi oo dhacay bishii December, ayaa waxaa qaaday laba kooxood oo ay kala horkacayeen labada nin, mid ka mid ah raggii horkacaayay weerarkaasi waxaa la tilmaamay in lagu magacaabo Taj Muhammad, waana ninka xilligan gacanta lagu dhigay.

Taj Muhammad waxaa laga soo qabtay xero barakacayaal degan yihiin oo ku taala Magaalada Peshawar, iyadoona la tilmaamay in uu halkaasi ku dhuumaaleysanaayay.

Dowladda Pakistan si rasmi ah uma xaqiijin qabashada ninkaasi, laakiin Warbaahinta dalkaasi oo soo xiganeysa laamaha ammaanka, ayaa saacadihii dambe ee shalay baahisay qabashada ninkaasi.

Weerarka lagu laayay ciyaal iskuulka, ayaa waxaa geystay niman tiradoodu lagu sheegay 17 nin, oo si dhow loola xidhiidhinaayo inay ka tirsan yihiin Ururka Taliban ee dalka Pakistan. Tiro ka mid ah raggaasi waxaa lagu dilay iskuulkii ay weerareen, halka intii kalana ay xilligaa baxsatay.

Afar ka mid ah raggaasi, ayaa waxaa goor sii horeysay la sheegay in lagu qabtay dalka Afghanistan, xili ay ka soo tallaabeen xadka uu dalkaasi la leeyahay Pakistan.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

 

Comments are closed