|

Sirdoonka Maraykanka Oo Madaxtooyda Somalia Kala Baxay Sarkaal Turki ah Oo Ka Shaqaynayey

Muqdisho:Jan,02,2014(SDN/QJ)-Wararka naga soo gaadhay Aqalka Madaxtoyada somalia, ayaa sheegaya in ciidamo hubaysani ay shalay maqribkii xoog ku qaateen sarkaal turki ah  oo ka shaqaynayey madaxtooyada dalka.

SIRIWararka, ayaa intaas ku daraya in  Ciidamada sarkaalkaas kaxaystay ay ahaayeen Sirdoon maraykan ah oo muqdisho ku sugan, waxana ay geeyeen sarkaalkii dhinaca aqalka Taliska u ah AMISOM ee Xalane oo sirdoonka qudhiisa hoy u ah.

Weli Safaarada Turkiga ay ku leedahay Magaalada Muqdisho ayaan ka hadlin Muwaadinkaan dalkeeda udhashay ee la kaxeystay,waxaana Sargaalkaasi Turkiga ah la sheegay inuu dawlada kala shaqeynayey dhinaca Dhismaha ah.

Warbaahinta qaar ayaa waxay sheegeen in sidoo kale C/kariin Xuseen Guuleed oo ah La taliyaha Madaxweynaha Dalka kaasi oo looga yeedhay Xerada Xalane si wax looga weydiiyo  Shabaab oo isticmaalay gaadhi nuuca xabada karin markii ay dhawaan weerareen Xerada Xalane.

Sarkaalkan Turkiga ah, ayaa la sheegayaa inay maraykanku shakiyo kal duwan ka qabaan shaqada uu hayo, waxana ay Su’aali gaar ku weydiinayaan Xarunta Xalane ee taliska AMISOM.

Xigasho: midnimo.com

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed