|

Sirdoonka Maraykanka oo Cod Dheer kaga Digay Weeraro Argagixiso oo Mar kale lala Beegsado Kenya

Nairobi 30.Jan 2014 (SDN)- Madaxa hay’adda sirdoonka qaranka Mareykanka ayaa Arbacadii shalay ka digay weerarro cusub oo kooxda Al-Shabaab ay ka geysato dalka Kenya. 

clapper-300x200James Clapper ayaa u sheegay xubnaha guddiga sirdoonka ee aqalka odayaasha Mareykanka in dowladaha Bariga Afrika ay wajahayaan caqabad la xiriirta ka hor-tagga weerarrada argagaxisada ah. 

Hase yeeshee wuxuu sheegay inay dowladda Kenya kordhisay dadaallada la dagaallanka argagaxisada tan iyo muddadii ka dambeysay weerarkii Al-Shabaab ay ka geysatay xarun laga dukaameysto oo ku taalla bartamaha Nairobi, kaas oo lagu dilay ku dhowaad 70 qof. 

Wuxuu xusay inay Al-Shabaab qorsheyneyso inay weerarro ka geysato dalalka Burundi, Jabuuti, Itoobiya iyo Uganda maxaa yeellay dalalkan ayaa ciidamo u diray Soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Nairobi SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed