Sirdoonka Kenya Oo Sheegay Inuu Geeriyooday Afhayeenka Kooxda Al-Shabaab
Nairobi 07.March 2014 (SDN)- Sirdoonka dalka Kenya,ayaa sheegay inuu dhintay Afhayeenka Kooxda Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage(Cali Dheere) sida uu qoray wargeyska Daily Nation.
Daily Nation oo xiganaysa sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee la dagaalanka Argagixisada dalka Kenya oo lagu magacaabo Manual Chir Chir,ayaa lagu sheegay inuu xaqiijiyay dhimashada Afhayeenka Kooxda Al-Shabaab Cali Dheere kaasoo warka laga soo xigtay sarkaalkan ka tirsan ciidammada sida gaarka ah u tabaran ee dalka Kenya,ayaa intaa ku daray in Sheekh Cali Dheere u geeriyooday maalintii arbadii ee ay taariikhdu ahayd 05,03,2014 dhaawacyo halis ah oo ka soo gaadhay duqayn diyaaradaha aan duuliyaha lahayni ay ku beegsadeen guriga uu ka deggennaa magaalada Baraawe bil ka hor .
Dhanka kale waxaa jira laba hadal oo is burinaya oo lagu baahiyay barta Twitter-ka oo midna lagu xaqiijinayo dhimashadiisa ta kalena ay sheegayso inuu nool yahay.
“Arbacadii waxaa dhintay Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere ,waxaanu la il-darnaa dhaawacyo ka soo gaadhay laba bilood ka hor duqaymo lagu bartilmaameedsaday guriga uu deggen yahay.”ayaa lagu baahiyay barta Twitter-ka.
Wax yar ka dibna waxaa isla bartii fariinta hore lasoo dhigay lagu shaaciyay qoraal kale oo lid ku ah kii hore una dhignaa sidan.
“Waa aniga Afhayeenka Al-Shabaab mana dhiman waan noolahay,iska daaya beenta.”
Wali war toos ah oo lagu xaqiijinayo dhimashadiisa kama soo bixin dhanka kooxda Al-Shabaab iyo dawladda Soomaaliya ee ay ku wada dagaalammayaan gudaha dalka Soomaaliya,Dawladda Maraykanka oo diyaaradaheeda aan duuliayaha lahayni ay bil ka hor weerar dhanka cirka ah ku duqeeyeen guri ku yaalla magaalaba Baraawe oo la sheegay inuu ahaa guriga uu deggen yahay Afhayeenka kooxda Al-Shabaab,ayaan wali wax hadal ah ka soo saarin weerarkaas ay guriga Baraawe diyaaradahooda aan duuliayaha lahayni ku duqeeyeen iyo cidda wax ku noqotay.
Nairobi SDN.
Qurbejoog.com