|

Sirdoon Hargeysa loogu xirxiray colaad ay Doorashooyinka ku carqaladeynayeen

Hargeysa October 29, 2024(QJ)-Hay’adda Sirdoonka Somaliland, ayaa shaacisay inay gacanta ku dhigtay shaqsiyaad ka tirsan Hay’adda Sirdoonka oo ka qayb-qaatay ololihii Xisbiga Kulmiye, isla markaana lagu helay hub fiidnimadii Salaasadii.

War qoraal ah oo ay soo saartay hay’adda sirdoonka qaranka ee NIA ayaa lagu sheegay in afar xubnood oo kooxdan ka tirsan ay hay’adda nabadsugidda gacanta ku dhigtay, halka inta hadhayna ay boolisku gacanta ku dhigeen. Hay’adda sirdoonka ayaa sheegtay in la horgeyn doono maxkamad.

“NIA waxay xabsiga dhigtay afartii qof ee hubaysnaa ee qaska ka waday isu soo baxa Kulmiye fiidkii, waxaana la horgeyn doonaa maxkamada ciidamada qalabka sida, waxa kale oo ay ciidamada booliska qaranka Somaliland xabsiga u taxaabeen xubno kale oo kooxdaasi ka tirsan” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay NIA.

Hay’adda sirdoonku waxay goor sii horeysay oo maanta ah shaaca ka qaaday inay baadhayaan shaqsiyaadka rasaasta ku riday ololaha xisbiga Kulmiye, isla markaana ku labisan midabka xisbiga. Sidoo kale, guddiga doorashada ayaa faray booliska inay soo qabtaan shaqsiyaadkan.

Waxa kale oo ay komishanku ganaax lacageed oo dhan 20 milyan oo shilin ku soo rogeen agaasimaha madaxtooyada Somaliland Maxamed Cali Bille, ka dib markii uu taageerayaasha xisbiga Kulmiye u fasaxay inay isu soo bax ku qabtaan fagaaraha Khayriyada Hargeysa.

Sidoo kale, komishanku waxa uu xisbiyada Waddani iyo Kulmiye ka mamnuucay inay qabtaan isu soo baxyo habeenkii ah ka dib dhacdadii ay ku lug lahaayeen shakhsiyaad hubaysan.

Comments are closed