|

Siiriya oo ogolaatay in jaamacada carabtu kormeereyaal u soo dirto

Dimishiq Dec 19,2011(qurbejoog.com)Dawlada dalka Siiriya ayaa ugu danbeyntii aqbashay qorshe nabadeyn ah oo ay hore dhawr jeer u soo jedisay Jaamacada Carabta oo ku wejahnaa in kormeereyaal xaalada dalkaasi ah loo diro goobaha colaadahu saameeyeen.

Dawlada Siiriya ayaa hore ugu gacan seyrtay in kormeerayaal dalkooda tagaan,balse dalabkan u danbeeyay ee Jaamacada Carabta ayaa waxa ku ladhnaa in hadii Siiriya diido kormeereyaasha in ay Jaamacada Carabtu xaalada Siiriya u gudbin doonaan Qaramada Midoobey.

QM ayaa shaacisay in ilaa iminka ay 5 000 oo ruux ay ku geeriyoodeen kacdoonada ka socda dalka Siiriya.

Qurbejog-Dimishiq
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed