Siilaanyo:Gabowdaye Guurtida ku Biir,Qormadii 17 aad Qalinkii Liibaan Xaji Fagadhe
DEELEY DAREENLEY
RAG ALLOW MADOOXAA
MA DILAACIYAA NABAR
Waa markhaati madoon iyo muran reeb waa maalmo ina soo maray oo aynu milicsanayno waa manfac aynu leeney misne aynu moog nahey ee bal aan miida iyo micnaha udaa dago .
Siilaanyo wuxuu dhisaa koox aan wada shaqeyn karin, wuxuuna diciifiyaa hanaanka maamulka ee ma kobciyo bulshadana wuu kala qeybiyaa oo isku haynta bulshada dani uguma jirto.
Abna-waaso
Daaro mise Beeno ayay noo dhistaa?
Waa baa waxa jiray nin la odhan jiray Ducaale, waxa u ahaa nin dhowrsan oo aan been lagu aqoon bulshadana sharaf ka mudnaa. Ducaale waxa wehelisay xaas uu mudo qabay, Illaahayse ma siin wax caruur ah. Ducaale wuxuu la walaal ahaa nin la yidhaa Warsame oo isagu lahaa toddobo caruura.
Dadkeenu waxa caado u ah in ay xaga caa’iladaha iska waraystaan, hadaba waxa dhici jirtay in ay dadku waraystaan Ducaale oo ay yidhaahdaan; ‘ Waar horta caruurtu waa imisa? Ducaale su’aashaa inuu sideeda uga jawaabo muu jeclayn waxaanu bixin jiray jawaab cilmiyaysan waxanu odhan jiray ‘ Aniga iyo walaalkay Warsame marka laysku daro caruurtu waa toddoba. Kii wax su’aalay waxa uu meesha ka dhaqaaqaa isaga oo ku mashquulsan sidii u isu waafajin lahaa su’aashiisii iyo jawaabta u helay, waxa u bilaabaa inuu ka shaqeeyo xisaabtan isugaynta iyo kala goynta ah; Tolow Ducaale ma afar buu leeyahay Warsamana saddex mise waba 5+2, malaa waa 6+1…. Meeshaba cidi sooma dhigato in runtu jiifto; Ducaale=0, Warsame=7
Dowladii Riyaale, oo wax qabadkeedu da dhis oo ahay beesha baahidu talay aad u liitay hasa ahaatee iyadu dadka dhisijirtay oo abuurtay bulsho walaalo ah laakiinse kala duwanaanshaheedu ahaa mid ku saleysan afkaar halka aynu manta unoqoney kala duwanaansho ku saleysan magacyo balse aan lagu baran beeno konkoonsan, ayaa mar marka ay saxaafadu wax ka waydiiso wax qabadkeeda waxa ay bixin jirtay jawaabo dublamaasiyadaysan oo kuwii Ducaale oo kale ah. Waxaanay odhan jirtay; Muddadii aanu xukunka haynay waxa hirgalay intaas oo mashruuc (macnaha ku jiraa waa ciddii doontaaba ha lahaatee).Waxay isku jamcin jirtay laba,saddex xafiis oo ay dowladu ranji marisay iyo mashaariicda walaalkeed oo ah shicibku ay waddanka ku soo kordhiyeen. Ha iska liidatee, caado umay lahayn inay toos u sheegato mashaariicda shicibku leeyihiin iyo haayadahaba.
Illaahay wuxuu na tusay mid carruurta wallaalkeed dhalay, kuwa cid kale dhashay iyo qaar an cidiba dhalin oo aan wali dhalan sheeganaysa oo leh anaa dhalay. Bal inay abnawaasad aan xishoonay tahay ayaan idii sheegayaaye bal mashruuca aanu hindisihiisa qurbaha ku samaynay, ee aan guddida lacag ururinta aan maddaxda ka ahay, ee lacagtiisii wali nalagu leeyahay ee aanay sumuni dawladu noogu darin ayay sheegatay oo ay dhagax dhigtay.
Habeen habeenad ka mida ayaa anaga oo joogna makhaayad ku taala magaalada Wajaale ayaa TVga qaranka waxa ka soo galay madaxweynaha oo la hadlaaya labada gole waxana hadaladiisa ka mid ahaa ‘Waddo laami ah oo ay dawladu ka samaynay magaalada Wajaale. Markay intaa maqleen ayaa dadkii makhaayada fadhiyay waxay isku dareen Qosol, Oorin, iyo Qaylo. Cige oo la ii sheegay inuu ahaa 83 jir oo an is idhi malaa waligii Hargaysa bari uma dhaafin ayaa bakoorada lulay si u dadkii u waaniyo, waxaanu yidhi ‘Adeer dawaa’ilku been ma sheegaane malaa waxa jirta magaalo kale oo bariga ku taal oo Wajaale la yidhaa.
Abnawaasnimada waxay kaga dartay Beenowaasnimada Bal hada u fiirso toddoba mashruuc ayay afar jeer kuu tirinaysaa si ay siddeed iyo labaatan u noqdaan. Imisaa aragteen hal waddo oo wasiir dhagax dhigay dabeetana madaxwayne ku xigeenkii dagax kale dhigay aakhirkiina madaxwaynuhu ciid iyo dhaxba dhigay.
Kaadibnimadu kuma koobna oo kaliya mashaariicda, sidaas oo kale ayay noo sheegtaa heshiisyo caalami ah oo ay soo gashay oo aanay waxba ka jirin. Somalidu waxay tidhaa mayd maxa u dambeeyay iyo kaa la sii sido— Bal meeday diyaaradii Ethiopian Airline ee ay lahaayeen waxay so noqonaysaa barito oo ay duulimaadyo bilaabeysaa. Heshiiskii hawada isna waad aragtaan cabaadka iyadii ka dhacaaya iyo dowladii xamar sida kalsoonida leh ee ay ugu celcelinayso ee ay sheegtay inaan waxba ka jirin ee aynu nahey gobolka mid ah Soomaaliya.
Nasiib daro dadkeenii iyo shicibkii ayaad moodaa inay la cagli yihiin kaluunka la yidhaa Gold Fish. Gold fish aan idiin sharaxee waa kaluun yar oo dahabiya oo ah waxa alle uumay waxa ugu xusuusta gaaban wax cunaya marka uu arko ee uu boodo ayuu ilaawaa deedna waa ku soo jeestaa maskaxdiisuna hal ilbidhiqsi ayey wax heyneysaa. Afsoomaali ahaana waxaynu tan ku macnaynaa ‘Ilowshiiyo dhawaa ma umulbaa’.
Lasoco……………..