Siilaanyo oo La Sheegay Inuu Maareeye Cusub u Magacaabayo Wakaaladda Korontada Hargeysa
Hargeysa June 09,2013(SDN/Hubaal)-Madaxweyneha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa la sheegay inuu Maareeye cusub u magacaabay Wakaaladda Korantada ee Caasimada Hargeysa, taasoo sida la sheegay loo magacaabay masuul magaciisa la yidhaahdo Axmed Yaasiin Aw-maxamed Jaamac oo hore ugu guulaystay Shaqada wakaaladaasi.
Masuulkan loo magacaabay Hay’ada Korantada dawlada, ayaa la sheegay inuu Tartan loo galay Wakaaladaasi ku guulaystay badhtamihii bishii May, ka dib markii Guddida Maamulaysa Warbaahinta ku baahiyeen in tartan loo Maareeyenimada Hay’adaasi, iyadoo in mudo ahba la sugayay in Madaxweynuhu wareegto ku soo saaro Magacaabista Masuulkaasi.
Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay aqalka madaxtooyada, hase ahaatee sida ay Gobanimonews.com u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan aqalka madaxtooyadu, magacaabista Maareeyaha Wakaalada Korantada ayaa la sheegay inay Miiska u saarantahay madaxweynaha, waxaana warar kala duwan oo arintan la xidhiidhaa tibaaxayaan in Madaxweyne siilaanyo goor aan fogayn ku dhawaaqi doono Magacaabis iyo isku shaandheyn Beryahanba si weyn loo hadalhayayn oo ay Magacaabista masuulkanina ku jirto.
Wararka ku saabsan isku shaandheynta beryahanba la hadalhayay, ayaan xog rasmiya ah laga heyn, hase yeeshee Ilo-wareedyada Gobanimo warkan ka helay waxay cadeeyeen in Digreetada Magacaabista Sarkaalkani Madaxtooyada ka soo guuxaysa. Sarkaal ka tirsan Hay’ada Shaqaalaha dawlada ayaa dhawaan Gobanimonews u sheegay in Axmed-yaasiin Aw-maxamed Jaamac oo ah Aqoonyahan Qurbo-joog ahi ku guulaystay Shaqada Hay’ada Korantada dawlada, ka dib tartan ay ka qayb-galeen tobaneeyo ruux ay Hay’ada shaqaalaha iyo xubno ka mid ah Guddida ku-meel gaadhka ah si wada jir ah u qaadeen. Dhinaca kale, xogo dheeraad ah oo aanu ka helnay Masuulkan ayaa Iftiiminaya inuu yahay Nin Aqoon iyo waayo-aranimo u leh Maamulka iyo Maareynta, isla markaana mudo dheer ka soo shaqaynayay wershado waaweyn oo ku yaala wadanka Ingiriiska, kuwaasoo uu ka gaadhay ilaa heer Maamulle Guud oo ah Mansabka ugu sareeya Shirkadaha gaarka loo leeyahay.
Wershada Laydhka dawlada bixisa ee Caasimada hargeysa oo ah Hay’ad aad u baaxad balaadhan, balse tobankii sanadood ee ugu dambeeyay Bulshadu qawadsanayd adeega ay bixiso, ayaa dhawaan waxa laga bedelay Maareeyihii Labaad ee Madaxweyne Siilaanyo u magacaabo tan iyo markii uu talada qabtay.
Waxaanay ka mid tahay Hay’ado dhawr ah oo ilaa hada Boog ku ah Hogaaminta Madaxweyne Siilaanyo, iyadoo markii ugu dambeysay Madaxweynuhu Guddi qaran oo mushkilada Maamul ee haysta xal u raadiya u saaray, guddidaasoo ka hor intaan xilka laga qaadin Maareeyihii xiligaasi haystay Fasaxay, ka dibna mudo yar ka dib warbaahinta ku baahiyay in tartan loo gelayo Maamulka Hay’adaasi.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com