|

Siilaanyo Malahu Waabu Dhegaystay Tusaallaha UCID Ee Arimaha Dibadda

In badanba kamaynaan maqal xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland inay waddan tegayaan oo ay arrimaha ictiraafka kala hadlayaan, oo wax walba waxay isku soo koobeen uun in laga hadlo Shirka Soomaaliya. Laakiin maanta markuu madaxweynahu ka hadlaayey garoonka diyaaradaha ee Hargeysa ka yidhi; “maanta Turkiga ayaanu u soconaa si aanu arrimaha icriraafka uga wadda hadalno!” Runtii aad baan warkaasi uga helay sababtoo ah waxaan is idhi waar malaha xukuumaddii Somaliland Xisbiggii UCID ayaabay waddadiisii raaceen maadaama ay UCID ay beryahan dibadda wareegaayey oo arrimaha Ictiriaafkana kala hadlay madax badan sida Golaha Baarlamaanka ee Minnesota, ee waddankan Maraykanka USA, markii uu musharaxa madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen uu halkan ay ku yimaadeen isaga iyo waftigii uu hogaaminaayey. Taasoo ahayd guul weyn oo Somaliland u soo hoyatay.
Runtii safarkan Madaxweyne Siilaanyo ee Turkiga waaban ku farxoo waxaan is idhi waa kuwaa boodhka iska tumayaa ileyn waakan dadkii kacsan ee Xamar ka baqanaya ee dawladeeduna aanay waxba u sheegaynin. Haddaba haddii aanay wax kale inoogu dhex qarinaynin, waa tallaabo haboon oo xukuumaddu qaaday. UCIDna waxaan leeyahay waad ku mahadsantihiin wadadaasi aad qaadeen ee ay xukuumaddiina raacday. Waxaanan ku dhiirigelinayaa inay xukuumadda arrimaha ictiraafka kala shaqeeyaan. Siilaanyo, si wanaagsan ayaad ugu jawaabtay Madaxweynihii Xamar; ee fadlan mar walba dadka la hadal, shirkaasi May London lagu qabanayana miisaanka Somaliland wuu dhaawacayaaye ee fadlan taariikh dhigoo yeeynaan tegin.
Somaliland weligeed ha noolaato
A.A. Fidhin
USA

Comments are closed