“Siidii uu markii horeba wasiirka Duulistu Lacagta u boobi jirey ,ayuu u boobayaaa oo dadkii ayuu lacago cusub kusoo rogayaa,”Xil. Xoog
Hargeysa:April,05,2015(SDN/QJ)-Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog oo ka tirsan Mudanayaasha Aqalka Golaha Wakiillada ugu jira Xisbiga Waddani, ayaa dhaleeceyey Xeerka Duulista Hawada oo maalmahan horyaalla Aqalka Golaha Wakiillada.
Mudane Xoog oo maanta saxaafadda la Hadlay, ayaa sheegay in xeerkaasi yahay mid lacago lagu lunsanayo, waxana uu ka digay in la isku dayo in la ansixiyo.
Xildhibaanku waxa uu sheegay in xeerkaas ujeedadda ka dambaysaa tahay lacag urursi iyo hanti boobis, waxana uu xusay shirkado waddani ah oo jirey la doonayo in meesha lagaga saaro, laguna keeno shirkado cusub oo wasiirku uu si gaar ah u wato, “xeerkan duulista ee imika golaha lagaga doodayaa xeer ma aha sharci ku fadhiyee waa xeer lacag boobis ah, sidii uu markii horeba wasiirka Duulistu Lacagta u boobi jirey ,ayuu u boobayaaa oo dadkii ayuu lacago cusub kusoo rogayaa, shirkadihii waddanka ee Maxxalliga ahaa ayuu suuqii ka saarayaa oo shirkado cusub buu keensanayaa. Cashuurro cusub buu kusoo rogayaa, waana lacag urursi taasi.” Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Xoog.
Xeerkan ayaa ku jira Xeerka loo qoondeeyey Inay Goluhu kaga doodaan kalfadhiyadoodan haatan, waxana lagu wadaa in dhawaan dooddiisu ay Golaha ka bilaabtano.
SDN/QJ