|

“sidii ay dawladdu kootarabaanka uga dhigtay siyaasaddii somaliland iyo madax-bannaanidii, ayey Maalintii shuhadada SNM-na u kootarabaanisay, waana…….” Muj. Xasan Guure Jaamac

Hargeysa:18-Oct-2013(SDN)-Guddoomiyaha Madasha  wada-tashiga iyo Toosinta qaranka Muj. Xasan Guure Jaamac, ayaa saluug ka muujiyey Hannaankii maalintii shalay loo maamulay Xuskii Hoolka Shaqaalaha Dawladda Loogu Qabtay Maalinta Shuhadada SNM.

Muj-Xasan-GuureMujaahid Xasan Guure oo  u warramayey qaar ka mid ah warbaahinta, ayaa sheegay in xukuumaddu hab qaldan oo aan qabanin maalintan milgaha leh u kootarabaanisay Xuska, waxana uu tilmaamay inay tahay tallaabo meel ka dhac ku ah ayaantan la qiimeeyo, “sidii ay dawladdu kootarabaanka uga dhigtay siyaasaddii somaliland iyo madax-bannaanidii, Dhaqaalihii iyo Doorashooyinkiina u raacisay, ayey Maantana(shalay)  u kootarabaanisay Maalintii Shuhadada SNM. Waana Tallaabo khalad ah oo aan qabanin maalintan qiimaha leh ee Bulshada reer somaliland ka wada dhaxaysa.”

Mujaahid Xasan Guure Jaamac waxa kale oo uu sheegay in Goobta looga diiday inuu wax Hadal ah ka soo jeediyo, maadaama oo uu  ahaan ragga ku suntan taariikhdan laga sheekaynayana uu codsaday in Hadalka wax laga siiyo, balse koox  u igmanayd inaan Xasan iyo kooxdiisa aan Hadal la siinini ay ka hor istaagtay isku daygiisaa, halkaasna uu xuquuqdiisii ku waayey, “Mujaahidiinta madasha gacanta ku hayey inaanu intaas(Ka hadalka xuksa) kala qarsano ama isu diidno iskumaanu ogayn, waxase aan u malaynayaa inay tahay uun Maahmaahdii ahayd waxa uu waayeelkuu Habeenkii ku faqo ayey carruurtu maalintii ku sheekaysataa, taas oo Macnaheedu ahaa uun In Nimankaa Hadal Ha Siinina Ama Kadinka Haka Soo Deynina inamada Lagu yidhi ayuunbay u ekayd, waayo sabab kale meesha ma taallo, waxana ay ahayd talo xagga dawladda ka timi ayey ahayd.” Ayuu yidhi muj. Xasan Guure.

Waxa  uu mujaahidku u soo jeediyey xukuumadda Talada somaliland Haysa inay ka waantoobaan inay maalmaha qaranku leeyahay ee umadda ka dhaxaysa si gaar ah iyagu u qorshaystaan oo shaadh le’eg u toshaan, waxana uu yidhi, “Waar Haddii aad  taladii inagu kala kaxayseen oo aynu dalku wuxuu u baahnaa ku kala tagnay  intaa yar ee taariikhda ah ee aynu wada xusaynayna miyeynu ku kala tagnaa”

Mujaahidku isaga oo Hadalkiisa wata waxa uu yidhi, “Hadii sunnaha xun ee dawladdani waddaa sidaas ku sii socdaan, waxa ay noqonaysaa mustaqbalka in wax walba la kala yeesho, waxanina wax qaybsamaya ma aha, haddiise samo wax lagu wada yeelan waayo xumaa wax lagu wada yeelanayaa oo in wixii la kala jeexdo ayaa soo socota.”

Mujaahid Xasan Guure oo maalintii shalay u soo diyaargaroobay inuu madasha xuska Shuhadada SNM ka socday weedhiisa ka yidhaahdo, ayaa si cad looga hor istaagay, waxana xukuumaddu sida muuqatay ay ku amartay kooxdii madasha maamulaysay inaan la ogolayn cid aanay xukuumaddu raalli ka ahayni inay goobta ka hadasho, waxana taasi ay dhashay in mujaahidkan Habeen-dhaladka ah looga dhaarto in wax hadal ah la siiyo.

Madashan lagu xusayey maalinta shuhadada SNM, ayaa maalintii shalay ay ku keliyeysteen xukuumadda talada haysa iyo xisbigeeda Kulmiye, waxana  guud ahaanba goobta ka maqnaa oo aan ka soo xaadirin ragga ku suntan Halgankii umaddu soo gashay, sida Muj. Cali Maxamed Yuusuf (cali-gurey), Muj. Boobe Yuusuf Ducaale, Muj. Maxamed Xaashi Cilmi, Muj. Ibraahim Dhegoweyne, Muj. Xasan Ciise Jaamac iyo qaar kale oo badan, waxana ay taasi caddaynaysaa in xukuumaddu kaligeed isku koobtay xuska maalintan qaran ee Bulshada ka dhaxaysa.

 

S.DN.

 

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed