Sidee Maskaxda Loo Qaras Bixiyaa?
Waxaa in dhawaala ahba soo ifbaxayay, dhumucda ay leedahay dhibaatada maskaxda oo qaras, daxal ama quful kujabo.! Qarasta maskaxda ku dhacda wuxuu dhibkeedu dadka oo idil u cadaaday, markii la arkay xag-jirnimada diinta iyo caadadu u geysteen nolosha bulshad Soomaaliyeed qof qof iyo si wada jir ahba. Hadaba arrinta isweydiinta mudani waxa ay tahay; sidee loo qarasbxiyaa maskaxda dacarowday ee xidhan? Hadii aan Soomaali nahay, waxeynu dhahnaa; “Calool qaras ku kacday hadana istaagtay cudur kama horeeyo”, halka Carabtu ay ka tidhaahdo, “Al-badnu beytu daa” calooshu waa hoyiga cudurada.
Sidaas si lamid ah ayaa waxaan odhankarnaa; hadii maskaxdu qaras ku dhalato, iyaduna waxay sabab u noqotaa, burbur iyo halaag joogta ah oo nolosha ku dhaca. Sidaa owgeed mowduuceenna caawa waxaan ku qaadaa dhigi doonaa, qarasta ku dhacda maskaxda iyo sida ugu haboon ee loo dacar bixiyo.
Qeexid; Qaras Bixinta Maskaxda
Sida qarasta caloosha si lamid ah ayey maskaxdu u dacarowdaa, haba kala duwanaadeen qaabka qarastu ugu dhalato iyo waxa ku keena. Hadaba hadii qarasta calooshu kadhalato ruuxa oo raashin qashin ah/junk food cuna, oo ay ugu biirto caloosha oo taagan, qashinka calooshiisa galayna meel uu kaboxo waayo, sidaas si lamid ah ayaa maskaxda qarasta ku dhalata waxaa keena, markii si xun oo khaldan ruuxa maankiisa wax loogu shubo, qashinka galayna meel uu kaboxo waayo, dabadeedna maskaxda quful lagu jabiyo! Halkaas waxaa kabilowdaa ifaafaalo xanuun maskexeed iyo mid caloosha ruuxa ku dhaca oo sababa ilaa geeri.
Maxaa maskaxda Lagu Qaras bixiyaa?
Waxaa ladhihi karaa ilaa xad umadda Soomaaliyeed waliba kuwooda geela dhaqda waxay isku qaras bixiyaan caanaha geela marka calooshu adkaato ama qofka dacartu ku kacdo. Su’aasha isweydiinta mudani waa; ruuxa maskaxdiisa qarastu ku kacdo, isna caano geel miyaa lagu qaras bixiyaa? Hadii jawaabtu noqoto maya, wali su’aasha taagan waa, maxaa lagu qaras bixin karaa qofkaasi? Taasi ayaa ah arrinka xiisaha leh ee u baahan in qof walba ogaado qaabta loo qaras bixiyo maskaxda!.
Ariinka hordhaca ka ah sida loo qarasbixiyo maskaxda, waxay tahay, marka hore sidey maskaxda qarasi ugu kacdaa? Labo siyaabood ayey qarastu ugu dhalataa maskaxda. Waa marka 1aad; in macluumaad khaldani/junk information maanka galo iyo in ay meel ay ka baxaan qashinkaasi lawaayo. Waxa kali ah ee lagu qaras bixin karaayi waa in lasiiyo warbixin saafi ah oo dib u habeyn kusameysa qaabka maskaxda, kadibna maskaxdu u furanto, si qashinkii hore ee galay waddo ay ka baxaan loogu helo.
Maskax Furan
Sideedaba maskax furan iyo calool furan waxaa ka dhasha caafimaad, halka xidhnaashaha labadoodu ay keenaan cudurro tirabadan.! Marka qofka maskaxdiisa macluumaad iyo aragtiyo kaladuwani galaan, waa in uu inta ugu fiican ee ka anfaca kaqaato inta kalana iska qubo/qashin saaro, sida dheefshiidku raashinka caloosha gala inta nafaqada/anfaca leh jidhku uqaato inta kalana musqusha ku qashin saaro. Sidaa darteed ayaa isgoo Allal (SC) kawarramaya arrinkan wuxuu suuratu Zumar aayadda 18 kuyidhi;
الذين يستمعون القول فيتبعون أحسنه أولئك الذين هداهم الله وأولئك هم أولو الألباب
“U bishaaree nabi Allow kuwa dhageysta warka ee ka qaata inta ugu fiican”.
Aayadu waxay ina fareysa warka iyo macluumaadka in aan ka qaadano inta ugu fiican, oo ujeedadu tahay; intaas ayaa ah inta ku anfaceysa. Laguma odhan qaado inta fiican ee waxaa lagu yidhi inta ugu fiican. Hadii bani’aadamku macluumaadka/warka iyo raashinka intiisa ugu fiican ay kaqaadan lahaayeen, marnaba suuragal ma ahaateen, in maskaxda iyo caluushu qaras ku dhalato. Balse waxaa muuqda oo aan aragnaa marwalba sidaa caksigeeda, in macluumaadka iyo raashinkaba iska dhaaf inta ugu fiican eh, balse inta ugu xun aan ka qaadano. Sidaas owgeed waa wax iska cad, in hadii umaaddu noqoto qashin qub, meel lagu qubo, raashinka dhacay, afkaaraha dhacay, daawada dhacday iyo suntuba in ay umaddu hoyi unoqoneyso musiibooyin aan wax laga qaban karaayi jirin..!!!
Maskax Xidhan
Sidaasi si lamid ah, maskax iyo calool xidhan waxay keenaan caafimaad xumo ku dhacda maskaxda iyo jidhka. Kawaran hadii raashin aad cuntay ama biyo aad cabtay usbuuc kahor ay wali calooshaada ku jiraan? Taasi waxaa lamid ah, marka wixii maskaxdaada galay muddo ka hor, oo ay aheyd in maskaxdu qashin saarto, wali kusii baaqi ahaadaan maankaaga, maadaama ay xidhan tahay! Hadaba dhibta ay leedahay maskaxda oo ku xidhanta, isagoo Allah (SC) kawarramaya reer Banuu Israa’il ayuu suuratu Albaqara aayada 88 ku yidhi;
وقالوا قلوبنا غلف بل لعنهم الله بكفرهم فقليلا ما يؤمنون
“Yuhuudi waxay tidhi quluubteena qufulbaa saaran” Sideedaba maskax xidhan waxna magalaan waxna kama baxaan. Waxaase isweydiin mudan, hadii ruuxu afka xidho, muddo intee le’eg ayuu noolaan karaa? Jawaabtu waxay tahay, wakhti aad u kooban ayuu noolaan karaa, kadibna wuu geeriyoon. Kawarran ruuxa maskaxda xidha, isaguna intee in le’eg ayuu noolaan karaa? Jawaabtu miyey sida tan hore oo kale u caddahay? Marka la’eego Aayada kor ku xusan, jawaabtu waa ay caddahay, ruuxaasi wakhti kooban ayuu noolaan karaa. Maxaayeelay, maskaxda xidhan waxay sababtaa in isaga ladilo, ama isagu uu wax dilo.
Gabogabo
Sidaas owgeed ayaan waxaan kusoo gabagabeynayaa qormadan, in maskaxdu u baahan tahay qaras bixin lamid ah midda caloosha oo kale. Balse waxa kali ah ee kaladuwani waa qaabka iyo waxa lagu qaras bixinayo oo kali ah iyo kala haadinta waxa anfaca leh iyo waxa u baahan in laqashin saaro, taasoo iyana ubaahan in maskaxda iyo calooshu marwalba furnaadaan, si waxna ugalaan waxna uga baxaan.
Nuradin Askar
nuradiin5@hotmail.com