|

Sidee loo la shaqaynkara Ururka la dagaalanka Mandooriyaha Qaadka ee Somaliland?

Asc, waxan akhristaw qaybtii hore idinku sheegay in urur la yidha la dagaalanka maandooriyaha iyo Qaadka ay ka sameyen dhalinyaro sanadkii hore Hargeisa kuwas ah arday Jamacada ka dhigata magaalada.  Hadaba iyadoo ay haboontahay in ummad walba qofka u kaca ay taageerto dadaalkiisa, ayaan halkan intiina wanaga  jecel ee ah dhalinyarada , culimada iyo aqoonyahaniinta ahba waxanu idinka codsanayna inaad dhalinyarada hawsha bilawday aad garab qabataan.

Hadaan in yar oo warbixin idinka siiyo ururka waxa ka madax ah inan la yidha Mohamed Saciid Mohamed (Burus) waxana ay wada shaqeyaan Mohamed Muhamad Yusuf (Sayidka) iyo gabadh dhalinyara ah oo aad ka daawan doontan halkan urukooda waxa la yidha marka lagu sheego afka qalaad Somaliland Against Drug Assocation (SADA).  Awoodoodu inkastaba ha yeelatee waa meel wax laga bilaawi karo ummadana loogu faaiidaynayo.  Waxan idin sheegaya in aynu hawshan oo kale halkan oo kaliya ka socon ee xita meelkale oo ka mid mandaqada ay ka bilaabatay sida Puntland oo kale oo dad nala soo xidhiidheen.

Waxan idinkula talinlaha in marka hore ardaydu iyo dhalinyarada isabaabulan dabadeedna hawsha bilaabaan.  Waxanay haboon kolay bal marka hore laga bilaabo waciygalin dhinaca bulshada ah, tusaale ahaan caruurta dugiyada dhigata waxay u haystan inuu Qaadku dhaqan yahay oo dhibna uma arkaan, marka waxa haboon iyagana in la la xidhiidho wasaarada waxbarasha si ay dhex geliso xiisadaha dugsiyada wacigelin iyaga caruurta looga digaayo dhibaatooyinka qaadka oo ku hayo bulshada.

Waxan hadalkii ku soo gabagabaynaya haddaad reer somaliland tihin , ba daawada You tubkan , marka kadibna isku daya inaad garab qabtaan dhalinyaradan dadaashay, hadal waxba tari maaye hawsha qofwaliba dhiniciisa ha ka bilaabo.

Halkan guji oo daawo fadlan dhalinyaradan aan kor sheegay oo TV somali channel Studiyihiisa uu waraysanayo.
http://www.youtube.com/watch?v=HNxKpwCBwAU

Mahadsanidin

Adan Jama Kahin
Gudomiye ku xigeenka
la Dagaalanka Qaadka
ee UK iyo Geeska Afrika.

Comments are closed