Sidee Ayeynu Ku Heli Karnaa Badhaadhaha Iyo Farxada Nolosha Maadaama Adduunku Mushkilad badan Yahay?
Hargaysa 21. March 2017 (SDN/QJ):- Si aad u ilaaliso Caafimaadkaaga una yareyso culeysyada kala duwan ee nolosha ayaa waxa habboon in waqtigaaga inyar oo ka mid ah u gaar yeesho farxadaada, taasoo aan ahayn samays ee dhab ah.
Si aad u hantido farxadaasi waa in aad ku dedaashaa Jimicsiga iyo cunista Khudaarta darayga ah, waxaad awood u leedahay inaad maalin walba hesho farxad dhab ah haddii aad ku dedaasho, waxa uu yidhi ninka la yidhaahdo Al-dalaa-lama “Farxada iyo Sacaadadu maaha wax diyaar ah oo samaysan, balse waxay ka timaadaa ficiladeena, waxaana isweydiin leh maxaa inoo horseedaya Farxada?. maxayse Farxadu tahay?, Maxay Farxadu u tahay dareen muhiim ah?, waxa aad u adag in si toos ah loo helo qeexitaanka erayga Farxad maadaama oo ay ka timaada arrimo kala duwan oo ay ku xidhan tahay waxa uu qof kastaaba ka aaminsanyahay iyo sida uu arko, islamarkaana waxa farxad galiya qof uu mid kale cadho galin karto”.
Haddaba, ma aha sida aynu aaminsanahay ee ah in nolosha inagu xeeran haddii ay caqabado badan leedahay hoos u dhigayso farxadeen waxaad ogaataa in saamaynta ay noloshu ku yeelato farxada qofka ay tahay 10%, halka hawlaheena aynu qabano nolol maalmeedkeena ay ka tahay ay saamayn ku yeeshaan farxadeena 40%, halka Genes-ku ay ku leeyihiin saamayan ah 50%.
Farxadu waxay ka guuleysataa dhammaan caqabadaha nolosha ee inagu xeeran, sidoo kalena Farxadu ama sacaadadu waxay inaga dhigaysaa dad wax soo saar badan, si aad u heshi farxad maalin walba ku dedaad arrimahan:
Kor u qaada xaddiga aad ka cunto Khudaarta kuna dedaal inaad cunto iyaga oo cusub, waxaad yaraysaa Isticmaalka Social Media-yaha kuna dedaal in aad xilliyo kooban isticmaasho, haddii aad awoodid ku dedaal inaad goobta shaqadaada tagto adiga oo lugaynaya, ku dedaal inay indhahaagu inta badan arkaan Xayawaanada naxariista leh isla markaana aan dhibaatada badnayn, haddii aad ku dedaasha arrimahaasi oo aad ku darto arrinta ilaahay inoo abuuray ee ah Cibaadada Rabbi waxaad helaysa Farxada iyo Saacaado aan kaa dhammaan inta aad nooshahay.