|

Sidee Ayey u Dhacday Dooddii Labaad ee Donald Trump iyo Hillary Clinton?Yaa Awood Sareeyay? & Arrimo Xiiso Gaar ah abuuray DAAWO

Washington 11.October 2016 (SDN/QJ):-Intii lagu guda jiray dooddii labaad ee madaxweyne oo ay la yeelatay Donald Trump, ayaa Hillary Clinton waxa ay sheegtay in marnaba ciidamo dhulka ka dagaalama aysan u diri doonin dalka Syria, taasi oo ay sheegtay inay tahay xeelad aan wanaagsaneyn.
a723c758-ca43-45c4-8dfd-a6a63601221e_w987_r1_sWaxa ay xaaladda magaalada Aleppo ku sheegtay mid musiibo ah, islamarkaana Russia ay go’aan ku gaartay inay burburiso, si ay xukunka ugu sii hayso Bashar Al-Assad.

donald-trump-and-clintonTrump ayaa waxa uu sheegay in ninka uu u doortay inuu madaxweyne ku xigeen u noqdo ee Mike Pence ku raacsaneyn in la duqeeyo bartilmaameedyada dowladda Syria.
Trump ayaa dhinaca kale cudur daar ka bixiyey hadallo uu ku aflgaadeeyey haweenka oo laga maqlay cajalad jimcihii la baahiyey oo la duubay sanaddii 2005, waxaana uu sheegay inuu dareemayo ceeb.

Clinton ayaa sheegtay in musharaxiintii hore ee Jamhuuriga laga yaabay inaysan ku raacsaneyn siyaasadooda, in markan ay tahay markii ugu horreysay ee ay su’aal ka keento ku haboonaanshaha musharax ee ah inuu dalka hogaamiyo, waxayna sheegtay in Trump uusan lahayn degenaan uu dalka ku maamulo.

Comments are closed