Sidee ayay Beesha Caalamku uga Hadashay Khilaafka Golaha Wakiilada Mar kale laga dhex istaadhay Wakiilada
Nairobi 17.Nov 2014 (SDN/QJ)- Somaliland iyo Somaliya danjire Nicholas Kay, ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray wuxuu walaac kaga muujiyay xaaladaha siyaasadeed ee Somaliland. “Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midobay Nicholas Kay wuxuu walaac ka muujiyay rabshadaha dhacay 15 November, iyadoo lagu gudo jiray u diyaar garowga doorashoyinka Baarlamaanka Somaliland. Waxa jira warar sheegaya in xubno baarlamaan ah la xidhay, iyadoo ay rabashaduhuna sababeen khasaare dhawr ah.” Ayuu yidhi warsaaafadeedku.
Waxa intaas la raaciyay oo uu yidhi Danjire Nicholas Kay “Somaliland waxay horumar ka samaysay dhinaca doroashooyinka dimuqraadiga ah, rabashaduhuna waxay khatar gelinayaan guulaha la gaadhay. Waxaan dhinacyada oo dhan ugu baaqayaa inay awoodooda xakamadeeyaan. Waa in jidka Diqmuraadiyada si buuxda loo ixtiraamaa.”
Ergayga Midowga Yurub Mr. MicheleCervoned’Urso, ayaa isna qoraal kooban oo uu geliyay barta uu twitterka ku leeyahay wuxuu ku yidhi sidan “Midowga Yurub wuxuu ka walaacsanyahay xiisadaha kor u sii kacaya ee Baarlamaanka Somaliland. Waxaanu dhinacyada oo dhan ugu baaqaynaa inay is xakameeyaan oo ay oofiyaan balan qaadkoodii doorashooyinka 2015-la”
Beesha caalamka ayaa si adag uga digtay xaaladaha siyaasadeed ee Somaliland ka jira, waxaanay ku baaqeen in la is xakameeyo. Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan