Siddeedda Qof ee Dunida ugu Maal-qabeensan oo Magacyadooda la Shaaciyey iyo Xaddiga Dhaqaalaha ay Kala Haystaan
Davos 18. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Siddeedda Qof ee ugu taajirsan Dunida, ayaa haysta Dhaqaale la mid ah midka ay haystaan 3.6 Bilyan oo Ruux oo ah kala badh Dadka ugu saboolsan Caalamka, sida lagu sheegay Warbixin ay shaacisay Hay’adda Oxfam.
Hay’addu waxay sheegtay in farqiga u dhexeeya saboolka iyo tujaarta uu ka waynyahay sidii markii hore loo haystay.
Hay’adda Oxfam Warbixinteedu waxay ku soo beegtay shir ku saabsan dhaqaalaha caalamka oo shalay ka billaabmay magaalada Davos ee dalka Switzerland. Waxaa kullankaas isugu yimi Hoggaamiyayaasha Siyaasadda iyo Ganacisga ee inta badan waddamada caalamka.
Magacyada Siddeedda Qof ee Warbixintan lagu soo bandhigay inay yihiin kuwa ugu Dhaqaalaha badan ama ugu Taajirsan dunida, waxay kala yihiin sidan; 1. Bill Gates (Mareykanka): aasaasaha shirkadda Microsoft ( $75bn), 2. Amancio Ortega (Spain): Aasaasaha Zara iyo Mulkiilaha Inditex ($67bn), 3.
Warren Buffett (Mareykanka): wuxuu leehay saamiga ugu badan ee shirkadda Berkshire Hathaway ( $60.8bn), 4. Carlos Slim Helu (Mexico): milkiilaha Grupo Carso ($50bn), 5. Jeff Bezos (Mareykanka): Aaasasaha shirkadda Amazon ($45.2bn), 6. Mark Zuckerberg (Mareykanka): Aasaasaha shirkadda Facebook ($44.6bn), 7. Larry Ellison (Mareykanka): Madaxa shirkadda Oracle ($43.6bn), 8. Michael Bloomberg (Mareykanka): Milkiilaha Bloomberg LP ($40bn).
Oxfam, ayaa soo saartay Warbixinno tan la mid ah afartii sano ee la soo dhaafay. Sannadkii 2016, Hay’addu waxay sheegtay in 62-ka Qof ee ugu Taajirsan Dunida ay haystaan dhaqaale la mid ah kan ay haystaan kalabadh Dadka Saboolka ah ee Caalamka ku nooli.
Dadka Maalqabeenka ah ee Dunida oo tiro ahaan u dhigma 1% (boqolkiiba hal), ayaa ka dhaqaale badan Dadka kale ee Dunida ku nool, sida ay Oxfom sheegtay, sida ay faafisay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da oo aannu ka soo xigannay Warkan.