|

“Sidaan warka ku hayo ninka dhintay ciidankiisaa xagga dambe ka toogtay. Qofka Habeen Aqalkaaga soo weerara isaga oo aan kusoo wargelina….”Xildhibaan Qanyare

Muqdisho:Aug,11,2014(SDN/QJ)-Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidanka Nabad-sugidda somalia ayaa ku dhintay Hawlgal ay Ciidamadu Nabad-sugiddu xalay ku qaadeen Aqalka Xildhibaan Cabdiweli Maxamed Qanyare  oo ku yaalla Muqdisho.

qanrIsrasaasayn mudddo socotay ayaa sida lagu soo waramayo ka dhacday hareeraha iyo wajahadda guriga uu xildhibaanku Deggen yahay, waxana Xabadaha is weydaarsanayey Ilaalaga gaarka ah ee Xildhibaanka iyo ciidamo aad u hubaysan oo ka tirsan kuwa Nabadsugidda, waxana Halkaas ku geeriyooday sarkaalkii watay ciidanka Hawlgalka goobta ka dhacayey.

Sida uu sheegayo xildhibaan Qanyare oo u warramay Idaacadda VOA-da, waxa weerarka soo qaaday dhinaca Dawladda, taas oo ilaaladuna ay difaac galeen, “waxan kusoo baraarugay iyadoo gurigayga xabadi ka dhacayso markii ay xabadu socotay, aya  telefono badani igu soo dhaceen layna sheegay inay nabadsugid yihiin.” Ayuu xildhibaan Qanyare.

Mar uu ka jawaabayey sababta gurigiisa lasoo weeraro, waxa uu yidhi,

“Sababtu waa midd aan garan la’ahay dawladuna xildhibaanada ma siiyaan ciidan na ilaasha sababta ay aniga iisoo adeen halkii ay aminigayga ilaalin lahaayeen sababta ay iisoo weerareen ma garanayo.”

Sidoo kale waxa uu xildhibaan Qanyare tilmaamay inay  ciidanku markii dambe u sheegeen inn aqalkiisa uu ku jiro nin ay ciidanku raadinayaan, taas oo uu si weyn u beeniyey,isago ku adkaystay in sarkaalka dhintay ay Ciidamadii isaga la socday dileen, waxana uu yidhi,

“waxay ku jawaabeen nin baa gurigaaga ku jiree soo saar cid gurigayga ku jirteyna ma jirin. Qofka Habeen madow gurigaaga u socda isagoo aan kusoo wargelin sharcigu wuxuu qabaa inaad iska celiso sidaan warka ku hayana ninka dhintay ciidankiisaa xagga dambe ka toogtay.”

Waxa uu xildhibaanku ka Hadlay khasaaraha ka dhashay dhinaciisa, waxana uu yidhi,

“Ciidankii meesha ii joogay laba nin baa dhaawac ah dadkii maatida ahaana argagax ayaa ku dhacay. Waana weerar qaawan oo aniga oo xildhibaan ah la iigeystay.”

Dhinaca xukuumada Somalia ayaan iyagu wali wax jawaab ah ka bixin weerarkan khasaaraha keenay ee xalay dhacay, waxase la filayaa in ilaa maanta ay jawaab kasoo saarto.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed