|

Sida Wanaagsan ee Warbaahintu u adeegtaa Waxay Keentaa Inay Wax ka Bedesho Dhaliil Jirtay DAAWO Warkan oo Shalay aanu Baahinay

Burco 16.April 2015 (SDN/QJ)- Saxaafadu Waxay bedeshaa dhaliil markii hore la iska indho tirayay Waxay ku hagtaa ummada marka sida fiican loo adeegsado Wax kasta oo Wanaag ah .

falcelinIntiinii ka daalacatay Shabakada Qurbejoog War aanu ka baahinay oo ku taxaluqay Muuqaal Murugo Xambaarsanaa oo ku saabsanaa dameer ka mid ah Mayeedhaanka ku dhaqan Magaalada Burco oo Mudo ka badan Laba Todobaad Sadex lugood ku taagnaa kadib markii uu Lug ka Jabay Waxay soo jiidatay indhaha daneeyayaasha ka damqaday wax u qabashadiisa Waxay keentay Falcelin haboon oo Ajar iyo Xasanaadba laga helo,Waxaan ugu Mahadnaqaynaa Weriye Cabdi Maalik Muuse Coldoon Tebinta Warbixintiisaa oo Keentay Wax u qabasho deg deg ah .

Hawl wadeenada Barashada Culuunta Xoolaha ee Jaamacada Magaalada Burco iyo Hawl wadeenada Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Gobolka Togdheer ayaa u guntaday Samato bixinta Dameerkan.

GUJI HALKAN SI AAD U DAAWATO MUUQAALKII UU WARKII SHALAY XAMBAARSANAA

Habeenkii Arbacadu Soo Galaysay iyo Halka uu Dameerkan Dulmanaha ahi u Hoyday Xili uu Magaalada Burco ka da’ayay Roob Weyn oo Saacado Socday Weriye Cabdi Maalik Muuse  kamuu daba hadhin Ogaanshiiyaha Xaalada Dameerkan Bal ila DAAWO Duruufta uu inoo soo bandhigayo.

Burco SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed