|

Sida ay u kala Hanti badanaayeen Madaxweynayaashii soo maray Maraykanku?, Obama oo noqday kan ugu Saboolsan iyo John Kennedy oo ah kii ugu Qanisanaa

Hargaysa 02. October  2016 (SDN/QJ):- Madaxweynayaashii soo maray waddanka Maraykanka ayaa la sheegaa in farqi weyni u dhaxeeyo dhinaca hantida iyo haynta dhaqaale iyada oo warbixin gaar ah oo arrintan uu dhawaan ka sameeyey wargeyska Time Lagu shaaciyey in Madaxweynaha wakhtigan dalkaasi maamula ee Barrack Obama dhawaana xilka wareejin doonaa uu noqday kan ugu saboolsan Madaxweynayaashii dalkaasi Maraykanka soo maray ee dhawr iyo Afartanka ahaa halka Madaxweynihii la dilay ee dalkaasi Maraykanka John F. Kennedy uu ka noqday kii ugu qanisanaa ama ugu hanti badnaa.

658189035Qiimaynta hantida laguma saleeyo xaddiga mushaharka balse waxa la sheegayaa lacagaha iyo hantida sida gaarka ah u soo gasha ama ay iska leeyihiin Madaxweynayaasha soo maray Maraykanku maadaama sharci ahaan Madaxweynayaasha Maraykanka hantidooda la qiimeeyo oo la diiwaan galiyo inta aan loo dhaarin xilka madaxtinimo ama isla marka uu isu soo taago tartanka musharraxnimo oo aanay isku laaqnayn ama isku dhex jirin hantidiisa iyo tan dawladda ee uu maamulaa.

Madaxweynayaashii dalka Maraykanka soo maray waxa la sheegaa in ay 10 ka mid ahi ahaayeen kuwa ugu hanti badan waxaana tobankaasina hogaaminaya Madaxweynihii hore ee John F. Kennedy oo hantidiisa markii uu xukunka hayay ay ahayd in ka badan 1 Milyaar oo Dollar halka Madaxweyne Obama yahay ka ugu saboolsan oo hantidiisu maanta tahay kaliya Hal milyan iyo Toddoba Boqol oo kun oo dollar isaga oo dhawaan isaga iyo xaaskiisa Michelle Obama ay guri ku iibsadeen waliba lagu yeeshay dayn iyaga oo gurigaasi ku qaatay dayn ay bilba lacag iska bixin doonaan. Obama ayaa ahaa wakhtigii uu Senatorka ahaa mid aan shaqo badan oo kale haysan inkasta oo uu yahay nin Looyar ah.

Warbixin guriga cad dhawaan soo saaray ayaa lagu sheegay in Obama ka mid yahay Madaxweynayaasha adduunka ugu hanti yar inkasta oo uu madaxweyne u yahay dalka adduunka ugu qanisan uguna awood badan maanta.

Comments are closed