|

Sida ay u Hindistay Dugsi lagu Sameeyo Noocyada Dharka & Sida ay Dhaqankeena u Gaadhsiisay Bulshooyin Kala Duwan Waa Marwo Qaali Ismaaciil Yuusuf

Hargaysa 04. December 2016 (SDN/QJ):- Qaali Ismaaciil Yuusuf Waa Mid ka Mid ah Haweenka Somaliland ee Aqoonta Fiican u leh Ganacsiga adduunka, Iyadoo ka Mid ah Qurbejoogta Somaliland ee Dalka Sweden degan Balse haatan degan Caasimada hargaysa oo ay ka Hirgalisay Ganacsi Muhiim ah.

qaali-ismaaciil-yuusufMarwo Qaali Ismaaciil Yuusuf Waxay Markii Kowaad si Xeel dheer uga Warbixisay Sooyaalkeedii Nololeed iyo Kii Taariikheed iyo Waxqabadkii ay Bulshadeeda u fidisay,Waxayna Qodobadan iyo Kuwo Kale oo ku dhereran Taariikhdeeda Nololeed ku faahfaahisay Waraysi Dhinacyo badan leh oo ay Siisay Barnaamijka Ku Dayo Muwaadinka dantaadda Guud Wax weyn ka soo qabtay Rubuc qarnigii tegay Kaas oo uu soo agaasimay Aqoonyahan Rashiid Sulub Caalim.

Ugu Horayn Qaali Ismaaciil Waxaa la Weydiiyey Halkii ay ku dhalatay iyo Deegaanadii ay ku soo Barbaartay Waxayna tidhi ‘’’ Kolay Dhulkan Waqooyiga ayuunbaan ku dhashay Waxaan ku soo Barbaaray Magaaladan Hargaysa iyo dhinaca Hawdka’’

Marwo Qaali Waxaa Kale oo la Weydiiyey Wakhtigii ay Qurbaha u Kicitintay Iyo Sababta Keentay in Dadkii ay ugu tagtay dalka Sweden ay Wax ka barto Dhaqanka Bulshadeena Iyadoo arrimahaas ka hadlaysa waxay tidhi ‘’Waxaan Tegay Xiligii ay Somaliland ka dhaceen Dagaaladii 1988kii Bishii 8aad,Qodobka kale Waxaan go’aansaday Markii aan arkay Waxyaabo faro badan oo dhaqankeena Wax lagaga bedelayo Isla markaana ay Dhaqankooda aad u buunbuuniyeen Waxaan Sameeyay inaan soo bandhigo aqal Soomaali Waxayna arintani ka dhalatay Markii Weydiinta igu badnayd ee I soo martaa ay noqotay Maxaad Cuni Jirteen? Halkee Hoy idiin ahayd iyo Waxyaabo la Mid ah,Markaa Halkan (Somaliland) Ayaan imid oo Guri Soomaali isku dhan aan ka qaaday Wuxuu ka Koobnaa Gurigaasi 12 Dhigood, ( Lix Sare iyo Lix Hoose) 14 Xakab ah, 7 Caws oo Isku Joog iyo Googoos-ba leh,Labadii Kabdood,Saantii Iyo Dhamaan agabkii la hoos dhigayay Kaas oo iga saaciday inaan Bulshooyin Kala Duwan Tuso una soo Bandhigo Dhaqankayaga,Waxaa bandhigaas galay Shan Saacadood gudahood 784 Qof Waxaana dhacdadaas laga Qoray Buug ku faafay Dalka Sweden’’.

 

Marwo Qaali Ismaaciil Yuusuf Waxay Sidoo Kale Magaalada Hargaysa ay ka samaysay Iskuul Farsamada gacanta ah oo lagu barto qaabka loo sameeyo dharka Waxayna ka Jawaabtay Xiligii la aasaasay Dugsigaas ‘’ 2014-tii ayaan hindisay Iskuulkan, Waxaan Kuu sheegayaa Anigu Fikrada Iskuulkaas Ayaan keenay Laakiin Waxaa Sameeyay dharkii Shaqaale oo aan keenay ayaa dharkii Sameeyay Waxaan dharkii ku Qoray Made in Somaliland anigu Iskumaan Gaar yeelin waayo waxaa la ii arki lahaa Shakhsi Balse Markii Wax soo saarkii dharku soo baxay Wax Xiisaynaya maan arag’’

Qaali Yuusuf Waxay soo bandhigtay Wax soo saarkii kala duwanaa ee Mudadaas uu Dugsigeedu soo saaray oo noocyo kala duwan ah Isla markaana ka Tayo badan ka dibada la inooga soo waarido.

Qaali Yuusuf Waxaa kale oo ay Sheegtay in Dad kala duwan oo Ajaanib iyo Muwaadiniin Isugu Jiraa ay ka Iibsadaan Dharkan ay ku samayso Dalka Somaliland Waxayna Fariin u dirtay Xukuumadda iyo Shicibka oo ay ku boorisay inay Xoojiyaan Farsamada Gacanta ‘’Waxaan Jeclahay in Ardayda waxa ku barata Dugsiyada kala duwan ee dalka in la baro da’a yarta soo Koraysa Farsamada gacanta oo Dawaarku ugu Mudan yahay taas oo wax weyn ka taraysa Sidii ay dhiirigelin ugu noqon lahayd dadka ku hawlan wax soo saarka Maxaliga ah ee dharka’’

Marwo Qaali Ismaaciil Yuusuf Waxaa kale oo ay Xogwarankeeda ku Faahfaahisay Qorshayaasha ay Rabto inay Mustaqbalka u hirgalaan.

Comments are closed