“Siciid Sulub Isagoon Ahayn Wasiirka Arrimaha Gudaha Ayuu 2009-kii Yidhi, Annagaa Amarnay In Booliisku Rasaas Ku Ridaan Siilaanyo……..” Xinif
Hargaysa 01. December 2016 (SDN/QJ):-Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE, ayaa ka jawaabay eedaymo tiro-beel ah oo Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI u jeediyeen Madaxweyne Axmed-Siilaanyo oo khudbad ka jeediyay kulan Beesha Gaashaan-buur Axmed Faarax ku muujiyeen Taageeradooda Xisbiga KULMIYE iyo Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbigaasi Muuse Biixi Cabdi.
Xisbiga KULMIYE waxa kale oo uu ka hadlay hadallo Siyaasiyiinta ay ka mid yihiin Siciid Sulub iyo Xamarji u jeediyeen Wasiirka Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan, taasi oo kulanka Madaxweynuhu ka hadlay ka sheegtay in Beesha Madaxweyne Siilaanyo iyo Beesha Muuse Biixi Cabdi yihiin Gaashaan-buur, sidaa darteedna Beesha Madaxweynaha looga baahan yahay inay Musharraxa KULMIYE isku barbar-taagaan sidii Beeshiisu isku barbar-taagtay Xilligii doorashada.
Xoghayaha Abaabulka iyo Wacyi-gelinta ee Xisbiga KULMIYE, ahna Agaasimaha Maamulka Lacagta ee Komiishanka La dagaalanka Aydhiska ee Somaliland, oo Shalay la hadlay Telefiishanka Star, ayaa yidhi, “Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, Daahir Rayaale iyo Maanta oo aynu joognaba Madaxweyne iyo Beelo way wada shirayeen. Habeen iyo Maalinba Madaxweynayaasha waxa la shirayay Reer ku hadlaya Af-reer oo ka hadlaya Danahooda, inta badana waxa wadi jiray waxay ahaayeen Wasiirro uu Siciid Sulub ka mid yahay wakhtigiisii, Ceebna kumay ahayn wakhtigaa Madaxweynayaashaa, oo cidna kumay ceebayn jirin, Cidna kumay dhaliili jirin. Imikana haddaad Madaxtooyada gasho, waxaad ugu gelaysaa Reer soconaya oo doonaya inay Madaxweynaha la shiraan.”
Mr. Xinif oo si toos ah ula hadlaya Siyaasiga Siciid Sulub oo ka mid ah Xisbiga WADDANI, ayaa sheegay, “Siciid (Sulub) wuxuu ku celceliyey (oo uu ka hadlay) isbahaysi iyo Is-xulafaysi, Isbahaysiga iyo Is-xulufaysigu nolosha Noolaha oo dhan bay ka mid tahay, markaa Wasiir Samsam Cabdi Aadan iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale iyagoo deegaan ka soo jeeda, hadday deegaan kale la hadleen oo ay yidhaahdeen Cod-baanu idinka doonaynaa waxaan filayaa in aanay dambi ku ahayn, Waayo? Codadka deegaan ahaana waa loo doon-doonayaa, Xisbiyana waa loo doon-doonayaa, waxa innaga dhexeeyaana waa Tartan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Kalmadaha aadka loo buunbuuninayo ee la yidhi Wasiir Samsam baa tidhi, waxaan filayaa in aanay dambi ku galayn Ceebna ku ahayn, haddii Samsam tidhi deegaanka Muuse Biixi ka soo jeedaa Cod-buu siiyey Madaxweyne Siilaanyo, ee Idinkuna Deegaankiisii baad tihiin ee Codkaa Codkiisii keena.”
Cabdikariin Xinif wuxuu eedaymo u jeediyay Siciid Sulub oo uu sheegay inaanu waxba ku lahayn halgankii dalkii loo galay Qarannimada Somaliland, “Siciidoow, bal sheeg waxaad ku lahayd Tacabkaa hore (ee dalka loo soo gelay) oo aan ka ahayn inaad ahayd kuwii loo isticmaalayey dibin-daabyadiisa iyo dhabar Wareenkiisa. Siciidoow tii halganka Taariikh Madow baad ku lahayd. 2009-kii maalintii Ciidanka Boolisku uu Rasaasta ku riday Madaxweyne Siilaanyo, Siciid oo Wasiirka Hawlaha guud ahaan ayaa la hadlay BBC-da, hadda Wasiirka Arrimaha gudaha muu ahayn, Madaxweyne muu ahayn ee Wasiirrada kale ayuu la mid ahaa, haddalladiisa waxa ku jiray ‘Annagaa Amarnay in Siilaanyo lagu rido Rasaasta, waxaanuna u arkaynay Rasaasta oo lagu rido Siilaanyo inay Nabadgalyada wax ka tareyso.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Haddaad Qabyaalad diidayso maxaa iskiin raaciyey Adiga (Siciid Sulub), Duur iyo Odeygii Sheegayey Chief Caaqilka? oo aad weliba Ruux Dumar ah ugu Goobateen. Haddii Xisbigiinii oo dhami Rag iyo Dumarba aad Samsam isku soo qaawiseen Rag maxaad isku soo gaadhi..”?.
Siyaasiga Cabdikariin Axmed Xinif, wuxuu sheegay in Xisbiga WADDANI sababta uu uga qaylinayo Shirka uu Madaxweynuhu kaga qayb-galay Burco ay tahay inaanu wax taageero ah ku haysan Gobolka Togdheer, “Taageero la’aanta iyo Hungada ay Xisbiga WADDANI ka arkeen Gobolka Togdheer ayaa ka keentay Qaylada intaa leeg.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Madaxweyne Siilaanyo Hawdka Gobolka Togdheer buu ka soo jeedaa, ololeha Xisbigiisa wuxuu u dhex fadhiisanayaa Burco, waxaanu odhanayaa Codka siiya Muuse Biixi, Waayo? Madaxweynuhu markay doorashooyin noqoto dhex uma aha xisbiyada, qofka ka doonaana waa qof aan habeen jirin, Madaxweynuhuna xisbi buu leeyahay, xisbigiisa oo murrashax leh buu dhisayaa”