Si loo badbaadiyo Dimuqraadiga Curdinka ah ee Somaliland waa in Beesha Caalamku soo faragelisaa Xukun qar-qoosha Xukuumadan waqtigeedii dhamaaday
1- Waxaa shacabka reer Somaliland wada arkaan hakadka galay wada shaqeyntii Hayadaha Dastuuriga ah ee Somaliland waqtigan xaadirka ah.
Waxaa ummadu wada daalacatay in aanay Hayadaha Dastuuriga ah ee Somaliland aaney waqtigan ku dhisneyn wada-shaqeyn, wada tashi, is-ixtiraam, oo aaney kala soocneyn awooda sharci dejinta, fulinta iyo garsoorkii oo aan madaxbanaaneyn kuwaas oo aan hadana lahayn hanaan ku dhisan xalibnaan, isxisaabin iyo hufnaan.
2- Waxaa shacabka reer Somaliland wada arkaan marxalada adag ee dalku maraayo markii uu madaxweynihii tahli waayey in uu Digreeto ku soo saaro wagtiga doorashadu dhacayso, taas oo ka dhigaysa ma huraan in masiirka qaranimada Somaliland lagu soo dabaalo wada tashi iyo wada-shaqeyn loo dhan yahay Mucaarid iyo Muxaafid intaan nabadgelyada dalku faraha ka bixin.
3- Waxaa mujtamaca reer Somaliland iyo Caalamkuba wada daalacday in aanu Madaxweyne Siilaanyo ixtiraamin Maxkamadii sida cadaalada ah xukunka u riday ee xaqooda u soo celisay xisbiyadii mucaaridka ahaa. Waxaa shacabka Somaliland wada arkeen iyada oo xisbiyadii mucaaridka ahaa xarumahoodii ciidamo iyo tikniko la dul-dhigay oo xoriyadoodii laga qaaday, Waxay shacabka Somaliland quluubtooda ku duugan oo ay hore u arkeen iyada oo Golihii Baarlamaanka la inqilaabay oo ciidamada RRU-da la dul-dhigay. Waxay shacabku indhahooda ku arkaan awood sheegashada dawlada, hanjabaada, cabudhinta,cago jugleynta iyo xadhiga aan sharciga ah ee batay.
4- Waxaa Shacabka reer Somaliland ka dheregsan yihiin in 54 Xildhibaan ee Muxaafidka ahi ay bakoorad la hortaagan yihiin shuruucdii doorashooyinka gaar ahaan shuruucda u baahan kaabista iyo wax ka bedelka ee Doorashada Golaha Wakiilada.
5- Waxaa Madaxweyne Siilaanyo ku fashilmay in uu Doorashada cayimo oo uu Digreeto ku soo saaro oo uu ku dhaqmo Dastuurka dalka iyo shuruucda qaranka.
6- Wuxuu ku fashilmay in uu hirgeliyo Geedi socodkii hanaanka dawladnimo iyo Dimuqraadiyadii la qaatay, wuxuuna uu tahli waayey in uu fuliyo heshiiskii loo dhamaa ee xisbiyada qaranka iyo xukuumadu ay wada galeen 26/5/2015.
7- Si loo jiheeyo geedi socodka doorashooyinka is barakan, Siyaasada dalkana loogu soo dabaalo midnimo qaran iyo wada tashi loo dhan yahay oo looga go’aan qaato masiirka dalka iyo Shacabka reer Somaliland Waxaa shir wada jir ah oo maskax-tuujin ah shiray Xisbiyada Mucaaradka ah , Madasha wada-tashiga, Culimaa’udiinka iyo aqoon yahanka reer Somaliland, waxaana ay isla garwaaqsadeen baahida balaadhan ee maanta loo qabo Deganaansho Siyaasadeed iyo in Doorashooyinku ku dhacaan waqtigii la isku wada raacay ee ahaa December 2016.
Hadaba iyada oo la qadarinaayo oo laga duulaayo Mabaadiida Aas-aasiga ah ee Dastuurka qaranka Somaliland , Hadana si loo badbaadiyo Dimuqaadiyada curdinka ah ee Somaliland ka curatay ,waqtigan cakiran ee kala guurka ah laga fursan maayo in Beesha Caalamku soo farogeliso Xukun Qar-qooshka Xukuumada talada haysa ee waqtigeedii uu dhamaaday si ay Caalamku ugu Cadaadiyaan Xukuumada in Doorashooyinku ku dhacaan waqti lagu wada qanacsan yahay Mucaarid iyo Muxaafidba.
Waxaan idiinku soo garoocayaa-
Weli dawliskii qarankeenu diri buu ku sii dhacayaa
Weli afdiinlaha wakiiladu dhamac buu afuufayaa
Ee Allow sahal amuuraha aakhiro samaan oman baa yimiye.”
Alleh ayaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wehelkiin Waa Alleh iyo Nebi (scw)
Wa Laahum-Aclam Wa-Billahi-Towfiiq
Qalinkii A/rahman Fidhinle
Qoraa-Madaxbanaan
Intensive ED BD PA
UK London