|

Shuruudo Cusub oo Dhinaca Viisaha Mareykanka Oo Lagu Soo Rogay Dadka Kasoo Jeeda 6 Dal Oo Muslim ah

Washington 30. June 2017 (SDN/QJ):- Dowlada Mareykanka ayaa soo saartay Shuruudo cusub oo lagu xirayo dadka doonaya viisaha ama dal ku galka ee kasoo jeeda Lix Wadan oo Muslim ah oo dadkooda laga mamnuucay in ay soo galaan gudaha Mareykanka.

Aqalka Cad ayaa soo saara shuruudahan cusub ee lagu soo rogay dadka kasoo jeeda Wadamada dadkooda laga mamnuucay in ay tagaan dalka Mareykanka, waxaana dadka kasoo jeeda wadamadaas ee doonaya in ay tagaan Mareykanka lagu xiray in ay dalkaasi u joogaan qaraabo dhaw.

 

Shuruudahan cusub ee lagu soo rogay dadka kasoo jeeda Wadamada Soomaaliya, Liibiya, Suudaan, Yaman, iyo Suuriya ayaa la filayaa in uu dhaqan galo caawa , kadib markii ay maxkamada sare ee dalka Mareykanka qeyb ahaan soo celisay xayiraadii socdaalka uu kal hore soo saaray Trump.

Sharcigan cusub ee dadka kasoo jeeda Wadamada kor ku xusan ee dalbanaya viisaha ama dal ku galka Mareykanka ayaa looga baahan yahay in dalka Mareykanka u joogaan qaraabo aad u dhaw sida Waalid, xaas, walaalo ,Sodoh ama sodog .

 

Waxaa mamnuucitaanka tagitaanka dalka Mareykanka laga reebay dadka kasoo jeeda lixda Wadan ee Muslimka ah ee xariirka ganacsi ama midka waxbarasho la leh dalka Mareykanka, waxaana shuruudahan cusub la filayaa in si rasmi ah u dhaqan galaan.

Comments are closed