|

“Shuruucdii la rabay oo dhan ayaa ka maqan, dimuqraadiyad waan rabnaa, laakiin xisbiyadu kuwo soconaya ma aha. Ninkii wax garad ah yuusan yeelin khasab baan ku marinayaa xisbiyadaas.”General Cade Muuse

Qardho 11.May SDN.Madaxweynihii Hore ee Maamul Goboleedka Puntland Cade Muuse Xirsi ayaa ugu baaqay Isimada iyo Wax garadka Punt land inay badbaadiyaan Maamul Goboleedkaas oo qarka u saaran inuu kala daato .

Cade Muuse waxa uu ka digay doorashooyinka iyo Nidaamka Xisbiyada badan ee la rabo inuu Punt land ka hirgalo si ay dadku u soo doortaan Cida ay taladooda ku aaminayaan Waxaanu sheegay in taas badalkeeda aanay xiligan Puntland ku dhaqmi Karin Nidaamkan.

Cadde Muuse ayaa sheegay oo kale in xaaladda siyaasadeed ee Puntland ay xilligan la joogo tahay mid aan degeneyn, isagoo ka digey khilaaf siyaasadeed oo hor leh, kuna baaqay in laga fogaado wax walba oo nabadda iyo xasiloonida wax u dhimi kara,
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/CADEMUUSE.mp3″]

Qardho SDN.

Qurbejoog.com

 

 

Comments are closed