|

Shuruucda Mareykanka oo caqabad ku noqoday $100 million oo Soomaaliya loo diri jiray

Minneapolis Dec 27,2011(qurbejoog)-Shuurcada Mareykanka oo la adkeeyay ayaa sababay in Baanka qura ee la macaamili jiray xawaaladaha Soomaalida in uu shaaciyo in uu joojiyay dirida lacagaha xawaaladaha Soomaalida ee Mareykanka.

Frankling Bank ayaa todobadkan ku dhawaaqay xanibaada macaamiladii uu la lahaa xawaaladaha Soomalida ee Mareykanka,ka dib kolkii la adkeeyay xeerarka ladagaalanka argegixisada khaasatan dhanka lacagaha la diro.

Heydo samafal oo dhawr ah ayaa dawlada Mareykanka waaxdeeda lacagaha ka codsaday todobaadkan in aan la xanibin adeega xawaaladaha,

Heyada OXFARM ayaa war ay todobaadkan soo saareen waxa ay ku sheegeen in Soomaalida Mareykanku ay dalkii u diraan aduun gaadhaya $100 million oo dolar sanad walba.

Lacagaha ay Soomaalida qurbejoog ahi u dirto dalkii hooyo ayaa kaalin weyn ku lahaa badbaadada qeyb weyn oo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed.

Dawlada KMG ah ayaa qudheedu walaac ka muujisay xanibaadan lagu soo rogay xawaaladaha Soomaalida ee ka hawlgala Mareykanka.

Frankling Bank ayaa dhankiisa ku cawday in khatar weyni ka dhalan karto habka iyo hanaanka ay xawaaladuhu lacagaha u diraan iyo ssida uu u qoran yahay sharciga Mareykanka ee dhawaanta la adkeeyay.

Waxa xaalada uga sii daray ka dib kolkii ay dhawaan dawlada Mareykanku maxkamadeysay dhawr ruux oo la sheegay in ay kooxda Al Shabaab lacago xawaaladaha u mariyeen.

 

Qurbejoog-Minneapolis

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed