Shuruuc Cusub Oo Lagu Soo Rogay Huteelada Magaaladda Muqdisho
Muqdisho, 13March 2015 (SDN/QJ)-Sharciyo cusub oo xaga amniga ah ayaa lagu soo rogay Hotelada magaalada Muqdisho, sharcigan oo ay waddo Wasaaradda Amniga Gudaha uu yahay mid lagula socon doono dhaq dhaqaaqyada Hotelada.
Hotelada ayaa lagu amray inay isa soo diiwaan geliyaan, isla markaana ay buuxin doonaan warqado, sidoo kale waxaa Maamulka lagula xisaabtamayaa mas’uuliyadda dadka hotelka degan.
Sharcigan ayaa dhigay in la diiwaan geliyo macaamiisha Hotelka, isla markaana hadii loo baahdo su’aalo la weydiiyo, waxaa kaloo Maamulka Hotelka lagu amray inay Foom ka buuxiyaan qofka hotelka soo degaya, si loo ogaado waxa uu u socdo iyo halka uu ka yimi.
Sharciyada ayaa waxaa ka mid ah in Hotelka uu lahaado Kaamirada qarsoon ee CCTV, si ay qeyb uga noqoto sugida Amniga, in qofka heysta baasaboor ajnabi ee degaya Hotelka baasaboorkiisa laga reebo Copy iyo in dadka laga shaqaaleysiinayo Hotelada ay noqdaan kuwo raad-raac leh ama damaanad leh.
Waxaa kaloo sharcigan uu xadidayaa Hotelada la iska furo, iyadoo aan Laamaha Amniga lagu soo wargelin, isla markaana ay tahay inuu marka hore buuxiyo shuruudo.
Magaalada Muqdisho oo ay ku yaallaan Hotelo fara badan ayaa waxaa dega mas’uuliyiinta dowladda, xildhibaanada, siyaasiyiinta iyo dadka dibadaha ka yimaada.
Tallaabadan oo ah mid bilow ah ayaa la filayaa in la horgeeyo Golaha Wasiirada, si uu noqdo sharci adag oo lagula socdo dhaq dhaqaaqa Hotelada.
Arrintan ayaa ka dambeysay markii 20-kii bishii la soo dhaafay uu qarax ka dhacay Hotelka Central oo ay degenaayeen Mas’uuliyiin iyo siyaasiyiin, iyadoo gaariga waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu gudaha Hotelka ku qarxay, halka Haweeney la sheegay inay ka mid aheyd shaqaalaha Hotelkana ay is qarxisay.