|

Shuruuc Cabista Sigaarka Lagaga Mamnuucayo Goobaha La Iskugu Yimaaddo Oo Addis Ababa Laga Hirgelinayo Bisha September ee Sanadkan

Addis Ababa:June,15,2015(SDN/QJ)-Caasimadda Dalka Ethiopia ee Addis Ababa, ayaa ku biiraysa Dalalka samaysta shuruucda Cabista sigaarka lagaga mamnuucayo Goobaha la iskugu yimaaddo, waxana la shaaciyey in Bisha Semtemper ee soo socota sharcigaasi hirgeli doono.

gaagGoobaha ay ka midka yihiin Albeerkooyinka, Makhaayadaha, Xaruumaha caafimaadka, xaruumaha lagu sugo gaadiidka dadweynaha, Garoomada isboortiga iyo dugsiyada ayaa laga joojiyey in sigaarka lagu qiijiyo. Sharciga ayaa dhanka kale dhigaya in goobo gaar ah loo sameeyo dadka sigaarka caba.

Addis Ababa oo ay ku nool yihiin dad ku dhow 4 milyan ayaa laga dayrinaya taayada hawada, bulaacadaha qaada biyaha qashinka ah iyo warshadaha oo aan si wanaagsan oo maareyn wasakhda ka dhalata wax soosaarkooda.

Maamulka magaalada ayaa tibaaxay in dadweynaha lagala tashan doono sharciga inta aan la meelmarin ka hor.

Waxaa la sheegay in la ganaaxi doono shakhsiyaadka jabiya xeerka balse si cad looma qeexin ciqaabta ay mutaysan doonaan dadka ku xadgudba xeerka sigaarka.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed