|

Shirweynihii Xisbiga Waddani oo Mar Kale Dib loo Dhigayo Mudo aan La Shaacin iyo Xogta Shabakada Qurbejoog

Hargaysa 07.October 2016 (SDN/QJ):- Shirweynihii Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo ku Mudaysnaa inuu qabsoomo 10 Bishan aynu ku Gudo Jirno ee October ayaa lagu soo waramayaa in dib loo dhigayo.

14595811_345851202419667_2943361018634711438_nXogo ay Shabakada Qurbejoog ka heshay ilo ka Tirsan Hogaanka Sare ee Xisbiga oo ka Cudur daartay in Magacooda la shaaciyo ayaa Sheegay in Sababta dib u dhigistu Salka ku hayso iyadoo ay isku beegmeen Xiliga la asteeyay in Shirweynaha la qabto iyo Munaasibado lagu Soo dhawaynayo Taageerayaal Wax badan ka bedelaya Saaxada Siyaasadda ee Xisbiga Waddani Kuwaas oo ku soo Biiristooda la qaban doono Maalmaha Sabtida ee Beri iyo Isniinta soo Socota oo Taariikhduna Tahay 8 iyo 10 Bishan October.

14522825_345851312419656_1919855316123434484_nWarku wuxuu Intaas ku darayaa in Isbahaysiga Kulmiye ay ka Dalbadeen Hogaanka Sare ee Xisbiga Waddani inay Gobolada iyo Degmooyinka Dalka ku qaban doonaan Xaflado ay ku Shaacinayaan la Midowga Isbahaysiga Dimuquraadi Doonka ah ee Kulmiye Iyo Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani.

Sidaa darteed Hogaanka Sare ee Xisbiga Waddani ayaa Garwaaqsaday in aanay Suurto Gal ahayn in Shirweynihii Xisbigu uu Qabsoomo Taariikhdii Hore loogu asteeyay ayuu Yidhi Mas’uulkani.

Comments are closed