|

Shirweynihii Xisbiga Kulmiye Oo Wali Laalan Iyo Masuuliyiin Han Siyaasadeed Leh Oo Lagu Wado Inay Shaaca Ka Qaadaan Rabitaankooda

Hargeysa:19-April-2014(SDN/QJ)-Iyadoo la Filayo in Dhawaan uu bilaabmi doono Shirweynaha Saddexaad ee Xisbiga Talada Somaliland haya ee Kulmiye uu Hargeysa ka Furmo Doono, ayaa waxa soo Baxaya Warar Sheegaya  in Saraakiil sare oo Xisbiga ka Tirsani isu soo Taagi Doonaan Musharaxnimada Sallaanka sare ee Xisbiga.

gaafaaMuranka ka taagan Hannaanka shirka loo qaban doono iyo xubnaha ergooyinka ayaa halkeedii taagan oo aan xal wali loo wada helin, waxase soo baxaya xubno han iyo hunguri leh oo diyaar u ah inay isu taagaan jagooyinka sare ee Xisbiga ooh ore loo sheegay in cid gaar ah Kooto loogu xidhay.

Masuuliyiinta Xisbiga ka Tirsan ee  iska Indho tiray Kootada lagu xidhay Kuraasta ugu sarraysa Xisbiga ayaa wax aka mid ah Guddoomiyihii Ururkii Rays oo cududiisa ku Biiriyey Kulmiye, kaas oo si  weyn uga soo horjeeda Tallaabada cidda gaarka ah loogu  xidhay Xunaha ugu muhiimsan Xisbiga.

Guddoomiyihii Ururkii Rays  Xasan Goofaadhi, ayaa ayaamahanba waday Tallaabooyin uu ugu diyaar garoobayey sidii uu u shaacin lahaa Hankiisa ah inuu quud-darrayanyo Sidii uu iskugu taagi lahaa Hoggaaminka Xisbiga, waxana lagu Wadaa inuu Taas Soo Gebogebeeyo isagoo aan u joojinayn Kootada ay hoggaanka Xisbiga iyo madaxtooyadu ku heshiiyeen.

Xasan Goofaadhi oo ah Xubin Taageero badan ku leh Guud ahaan Somaliland, ayaa isagu Doonaya inuu ugu yaraan U Tartamo jagada Guddoomiye-ku-xigeenka Kowaad ee Xisbiga Kulmiye ooh ore loo shaaciyey inaan Tarteedu bannaanayn, balse aan sharciyan sidaas ahayn.

Xasan Goofaadhi, ayaa lagu wadaa inuu Go’aankiisa Maanta Shaaciyo isagoo diyaar u ah inuu tartan furan u galo Jagada Guddoomiy-ku-xigeenka Koowaad ee Xisbiga Kulmiye oo uu Haatan Hayo Muj. Maxamed Kaahin Axmed.

Sida aanu Xogta ku Hayno waxa lagu wadaa inuu Maanta Xasan Goofaadhi daaha ka Faydo Musharaxnimadiisa Isagoo Munaasibad ku qabsan doono Mid ka mid ah Huteelada Waaweyn ee Hargeysa.

Xasan ayaa diyaar u ah inuu calafkiisa ka qaado tartankaas uu shaacin doono,iyadoo la arkayo inaanay Hoggaanka sare ee Xisbigu Arrintaas ku Farxi doonin, balse ay tahay wax uu xaq u leeyahay shakhsi kasta oo xisbiga ka tirsani.

Lama Garan karo wax aka dhalan kara Shaacinta Xasan Goofaadhi ee Musharaxnimada Guddoomiye-ku-xigeenka Koowaad ee Xisbiga, waxase ay u muuqataa mid muujinaysa Geesinimada iyo Hal Adaygnimada uu Xasan u  leeyahay inuu Hankiisa si cad u soo bandhigo.

 

S.D.N/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed