|

Shirweynihii Xisbiga KULMIYE Oo Hadda Furmay iyo Jawiga Goobta

Hargeysa,10Nov,2015(QJ/SDN)-Shirkii golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ayaa si rasmi ah uga furmay Hutteel Maansoor ee Magaaladda Hargeysa, halkaas oo ay soo gaadheen ergadii ugu badnayd iyo waliba masuuliyiinta xisbigaasi.

Waxa lagu wadaa in uu shirkani socdo muddo laba cisho, kaas oo lagu soo dooran doono murashaxiinta madaxweynaha iyo ku xigeenka ee xisbigaasi uga qayb galaya doorashooyinka soo socda.

In kasta oo ay jiraan garab ay ku midaysnaayeen afar murashax oo ka maqan iyo waliba ergadoodii golaha dhexe, hadana waxa uu shirkaasi ku furmay jawi aad u degan, waxaana la filayaa in uu saacadaha soo socda soo gaadho madaxweynaha JSL Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo isagu halkaasi ka cadayn doona hankiisa siyaasadeed.

Wixii warar ah ee kasoo kordha shirkaasi kala soco Somalidiasporanews.Com

Comments are closed