|

Shirweynihii Ururka Solja oo Beri Qabsoomaya iyo Kala Qaybsanaan Mar kale ku timid Hogaanka Ururka DAAWO

Hargaysa 24.Dec 2014 (SDN/QJ)- Waxaa Maalinta Beri oo Khamiis ah lagu wadaa inuu qabsoomo Shirweynihii Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Hasa Yeeshee Waxaa Markiiba Bilaabmay Kala qaybsanaan ku timid hogaanka Sare ee Ururka .

Garabka Diidan Shirweynahan ayaa ku doodaya in Xukuumadu ay Soo faro gelisay Ururka Mihnadlayaasha Saxaafada ee Solja isla markaana ay rabto in dad fulinaya awaamiirta dawlada laga dhigo Hogaanka Cusub ee Solja.

Geesta kale Garabka uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Ururka Solja ayaa ku eedeeyay Xubnahani inay rabaan Mudo kordhin in loo sameeyo waxaanu meesha ka saaray in Xukuumadu dabada ka riixayso qabsoomida shirweynahan.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

 

Comments are closed