|

Shirweynihii Kulmiye oo Maanta Hargeysa Ka furmay,sidee buu ahaa Jewigu?

April 14,2012(SDN)-Shirweynahii Kalfadhiga Sadexaad ee Xisbiga talada haya eeKulmiye oo socon doona muddo labomaalmood ah ayaa maanta ka furmay Hotel maansoor ee Magaalada Hargaysa.

Shirweynaha waxaa ka soo qayb galayMadaxweynaha JSL Mudane Axmed maxamed Maxamud Siilaanyo, Madaxweyne ku xigeenkaJSL Mudane cabdiraxmaan cabdilaahi ismaaciil Seylici, Gudoomiye ku xigeenkakoowaad iyo ka labaad ee Golaha Wakiilada Somaliland, Gudoomiyaha XisbigaKulmiye Muuse Biixi cabdi, Gudoomiyaha Maxkamadda sare Yuusuf Ismaaciil cali, intabadan xubnaha Golaha wasiirada ee xukuumadda, xubnaha Hogaanka xisbiga Kulmiye,ururada haweenka, Madax dhaqameed, ergooyinkii gobolada iyo degmooyinka eeXisbiga kumiye iyo marti sharaf kale.

Ugu horayn waxaa halkaas ka hadlayGudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muj. Muuse Biixi Cabdi oo u mahadnaqay madaxweynahaiyo madaxweyne ku xigeenka iyo mas’uuliyiinta kale ee ka soo qayb galayshirweynaha Xisbiga Kulmiye, waxuuna ilaahay uga mahadnaqay sida ay Somalilandu tashatay ilaa ay maanta marayso inay samaysatay Xisbiyo iyo ururo aymuwaadiniintu ugu tartamaan Siyaasadda iyo talada.

Mudane Muuse Biixi waxa uu ku dheeraadayfaa’iidada ku jirta xisbinimada iyo faa’iidooyinka ay u leedahay bulshada oo ayka mid tahay inay shacabku kaga baxaan kala qoqobka isla markaana ay horumar kusamaystaan.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixicabdi waxa uu iftiimiyey sidii iyo waqtigii la aasaasay xisbigan talada haya ee kulmiye oo uu ku sheegay in koox aqoonyahano ah ay aasaaseen xisbigan bishii May2002 , aqoonyahanadaas oo uu hogaaminayey Madaxweynaha JSL Mudane Axmed MaxamedMaxamuud (Siilaanyo) oo maantana nagala soo qayb galay shirweynaha ayuu yidhiMudane Muuse Biixi.

Mudane Muuse Biixi waxa uu sheegay indoorashooyinkii madaxweynanimo ee u dambeeyey uu xisbiga Kulmiye ahaa xisbigakeliya ee dadweynaha soo hor dhigay barnaamij cad oo dadku ku wada qanceen kunaaamineen, kalfadhigan maanta uu xisbigu u fadhiyana lagu falanqayn doonowaxyaabaha ka qabsoomay barnaamijkiisii iyo waxa weli qabyo ka ah.

Gudoomiyahu waxuu sheegay in qiimaynta xukuumadlagu sameeyo ay ugu horayso sida ay wax uga qabato dhinaca dhaqaalaha, waxaanamarkhaati laga yahay in xukuumadda xisbiga kulmiye ee maanta xafiiska joogtaaay muddo 22 bilood gudahood ah kobcisay dhaqaalaha iyo miisaaniyadda dalka 90%.Taasoo macnaheedu yahay buu yidhi gudoomiyahu in ay balanqaadadii kalena lamacno noqonayaan taa maaliyadda, gebagebada qiimayntuna noqonayso in xukuumaddaXisbiga Kulmiye ay 22 bilood ku fulisay 40% barnaamijkii uu xisbigu ololaha kugalay.

Intaa ka dibna waxaa hadalka lagu soodhoweeyey Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed maxamuud (Siilaanyo)

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud “Siilaanyo” oo khudbad dheer ka jeediyay Shirweynihii Kalfadhiga Sadexaad ee Golaha dhexe ayaa si faahfaahsan uga waramay waxqabadyadii kala duwanaa ee Xukuumada uu hogaaminayo oo ka dhalatay Xisbiga Kulmiye .

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu ugu horayn ka hadlay Aqoonsi Raadinta Qaranimada Somaliland iyo Siyaasada Arimaha Debeda Waxaanu xusay inay xil iska saareen xaqiijinta iyo taabo-gelinta madax-banaanida Jamhuuriyadda Somaliland, iyo sidii ay uga mid noqon lahayd bulshada caalamka, una heli lahayd aqoonsi buuxa.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu ka hadlay kaalinta ay Somaliland ka qaadatay shirkii caalamiga ahaa eek a dhacay 23kii bishii Feberwery magaalada London isagoo sheegay inay marag-madoon tahay in ay Somaliland guul balaadhan ka soo hoysay shirkii caalamiga ahaa ee London oo ahaa ayuu yidhi dhacdo taariikhi ah, waxaa kale oo Madaxweynuhu xusay in shirkaa dunidu ku go’aamisay in Somaliland iyo Soomaaliya ay ka wada hadlaan, isla markaana ay tahay ayuu yidhi madashii ugu horaysay ee mudo 50 sanadood ku siman ay beesha caalamku garwaaqsatay jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland, Madaxweynuhu waxa uu intaas ku daray inuu magacaabay Shan (5) Wasiir oo London u tegaya go-gol xaadhka iyo diyaarinta qaabka wada hadalka kuwaas oo hordhac u ah ayuu yidhi sidii aynu uga midhodhalin lahayn wada-hadalkii ay dunidu inoogu baaqday.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu cadeeyay inay u qorshaysan tahay inuu soo saaro gudi heer qaran ah oo diyaarisa istaraatiijiyada wada hadalka iyo qorshe lagu midaysanyahay marka ay ku haboonaato.

Mudane Axmed Maxamed Maxamud “Siilaanyo” waxa uu khudbadiisa kaga hadlay xaalada dhaqaale ee wadanka waxaanu faahfaahiyay in Dhaqaaluhu yahay laf dhabarta nolosha, iyo tubta lagu gaadhayo horumrka, isla markaana Xukuumada uu hogaaminayaa oo ka duulaysa ballantii xisbiga kulmiye xiligii ololaha doorashada lagu jiray ay masuuliyada iska saareen umadii xilka u igmatay, isla markaana ay dardar geliyeen kobcintii dhaqaalaha waxa uu Madaxweynuhu tusaale u soo qaatay inay Markii ay xilka la wareegeen gaar ahaan sanadkii 2010 ay miisaaniyada qaranku ahayd $44,000,000 US Dollar, halka ay sanadkii 2011 gaadhsiinay $86,000,000 US Dollar, isla markaana ay odoroska miisaaniyada ee Sannadkan gaadhsiiyeen $110,000,000 US Dollar.

Waxaa uu madaxweynuhu hoosta ka xariiqay inay gobolada bariga ka badaleen lacagtii giimbaarta ahayd ee laga isticmaali jiray, taasoo wax weyn ku kordhisay dhaqaalaha dalka.

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo waxa uu khudbadiisan oo aad u dheerayd kana koobnayd sideed bog uu kaga hadlay qodobo ay ka mid yihiin Horumarinta Dimuquraadiyada,Arimaha Bulshada, Cadaalada iyo Garsoorka, Amaanka Qaranka, Warbaahinta oo uu si gaar ah isu dul taagay in TV-ga Qaranku uu gaadhay daafaha dunida,Dhawaana ay imanayso oo Hawada geli doonta Idaacad weyn oo uu Qaranku leeyahay taas oo Dalka oo dhan gaadhi doonta ama laga dhegaysan-doono, waxaa kale oo madaxweynuhu khudbadiisa kaga hadlay arimo ay ka mid yihiin Haweenka, 9. Sama-falka iyo Mucaawinooyinka, Maamul-wanaaga iyo La-dagaalanka musuq-maasuqa.

 

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed