|

Shirweyne looga arrinsano xaalada Siiriya oo Turkiga ka furmay

Istanbul April 01,2012(SDN)-Galabnimada maanta waxa kulan uga furmayaa magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ilaa Todobaatan dawladood madax ka kala socota oo isugu jira dalalka carabta iyo kuwa reer -galbeedka,kuwaasi oo ka wada hadlaya xaaladda dalka siiriya ka taagan iyo sidii taageero loo siin lahaa mucaaridka ka soo horjeeda Maamulka Bashaar al-asad.

Xogahayaha Arimaha dibada dalka Maraykanka Helery Clinton ayaa waxa ay sheegtay in madaxda kulanka isugu imanaysaa ay isla gor fayn doonaan ilaa afar qodob ,luwaasi oo ay kala ah sidii maamulka siiriya cadaadis loogu saari lahaa in dhiiga qubanaya la joojiyo, sidii kaalmo loo siin lahaa mucaaridka, sidii gargaarka loo gaadhsiin lahaa dadka tabaalaysan, iyo sidii shacabka looga kaal mayn lahaa sidii cadaalada loo keeni lahaa masuuliyiinta cunfiga dalka ka socda iyaga oo masuulka ka ahaa.

Waxaanay wararku sheegayaan oo kale in uu jiro hindise ah sidii loo hubayn lahaa mucaaridka siiriya si ay isaga caabiyaan weerarada ay ku hayaan ciidanka xukuumadda ka talisa dalka siiriya.

Xoghayaha arimaha Dibadda Maraykanka Helery Clinton ka hor intii aanay tegin Istanbuul waxa ay soo martay dalka sucuudiga halkaasi oo ay kulan kula qaadatay madaxda dhigeeda ah dalalka iskaashiga khaliijka. Sida la og-yahay Waxa dalka maraykanku u soo jeediyey ergayga Q/Midoobay iyo Jaamacada Carabta Koofi Anan in uu diyaariyo jadal xiliyeed uu ugu qabanayo xukuumadda siriya inay ku ogolaato Qorshihiisa nabad raadinta ee uu wado.

SDN-Istanbul

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed