|

Shirweyne lagaga arrinsanayo Kobcinta Dhaqaalaha Somaliland oo Hargaysa ka Furmay

Hargaysa 29.Jan 2014 (SDN)- Wasaaradda Qorshaynta  iyo Horumarinta Qaranka Somaliland iyo Baanka Aduunka ayaa maanta Shir balaadhan  ka furay Hotel Ambassador ee Magaaladda Hargeysa.

061-400x300Shirka waxaa lagu lafo gurayey siddii loo kobcin lahaa  dhaqaalaha Somaliland, loonana dagaalami lahaa  Sabool-nimada, Sixirbararka, iyo siddii loo saldhigi lahaa Siyaasadda Kharashaadka Miisaaniyadda.

Shirkaasi ayaa Wax lagu casuumay dad ka badan illaa 300 oo qof kuwaasi oo ka kala socday Wasaarada kala duwan ee Somaliland, hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa wadanig ah, Aqoonyahano madaxbaan, Ganacsato,  iyo ardayda jaamacadaha dalka.

Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa faahfaahin ka bixiyey Qorshaha shirka waxaanu sheegay in uu shirkani yahay  kii u horeeyay ee noociisa ah oo Dalka lagu qabto,  Waxa uu rajo fiican ka muujiyay in Fikrado wax ku ool ah oo ku wajahan horumarinta Somaliland laga dhaxli doono Kulankaasi dhamaadkiisa.

Wasiirka oo Arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi. “ Shirkani wuxuu ku saabsan yahay soo bandhigida laba daraasadood oo midna lagu sameeyay qoyska midna Ganacsiga oo la sameeyay sanadihii 2012 iyo 2013-kii,  Shirku wuxuu u qaybsan yahay saddex qaybood oo kala ah Kobaca dhaqaalaha iyo Shaqada, qayb Sabool-nimada ku saabsan iyo Qayb ku saabsan Kharashaadka ama Siyaasadda Maaliyadda.”Ayuu yidhi.

Wasiirka oo ka hadlay waxyaabaha uu ka filayo inay Shirkani ka soo baxaan waxa uu tilmaamay inay hagi doonaan Xukumadda iyo sida loo horumarinayo Dhaqaalaha. “ Go’aanka ka soo baxa Shirkan waxaan rajaynayaa inuu hago dawladda oo laga dheehan doono sidii wax looga qaban lahaa Koboca dhaqaalaha,Shaqo la’aanta , Sinaanta iyo kala qaybsanaanta kharashaadka Siyaadda Maaliyadda, Waxa kale oo aan rajaynayaa inuu hage u noqdo Bahda Caalamka ee ina caawisa, si loo ogaado meelaha aynu u baahanahay in wax laga qabto, Waxa uu faa’iido u yahay Mushtamaca guud ahaan oo waxaa la inoo soo bandhigayaa Meesha dhabta ah ee Dhaqaaleheenu Marayo Maanta.” Ayuu yidhi Sacad Ali Shirre.

Wasiirka Ganacsiga Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo isna Madashaasi ka hadlay ayaa sheegay in Somaliland leedahay Kaabayaal badan oo dhaqaale una baahan in la horumariyo. “ Waxa halkan lagaga hadlayaa sidii Maalgashi iyo Ganacsi isku dheelitiran Somaliland Caalamka ula yeelan lahayd, Khubaro badan oo Banka Aduunka iyo Hay’addo Caalamiya ka socda ayaa halkan ka soo jeedinaya Fikradahooda ku wajahan Waayo Aragnimada ay u leeyihiin Arimaha dhaqaalaha iyo Ganacsiga,  Dawladda Somaliland iyo hay’addaheeda aan dawliga ahayna si buuxda ayay uga qayb qaadanayaan Shirweynahan, Waxaanu rajaynaynaa inay ka soo baxaan Aragtiyo wax ka tara sidii Ganacsiga, Dhaqaalaha iyo horumarkaba loo kordhin lahaa.” Ayuu yidhi Wasiir Maxamed Cabdilaahi

Daraasaddaha Shirkani daba socdo oo Sanadihii 2012 iyo 2013 la sameeyay laga sameeyay Somaliland ayaa muujinaysa in heerka dhaqaalaha Somaliland hooseeyo islamarkaana kaalinta 4-aad kaga jirto heerka ugu hooseeya ee dhaqaalaha Dunida, wadamada Malaawi, Jumhuuriyadda dimuqraadiga ah ee Koongo(DRC) iyo Brundi ayaa ka hooseeya Somaliland, Waxa sidoo kale lagu sheegay Daraasadahaasi in heerka Caawimada Somaliland hesho aad u hooseeyo. Qiyaasahaasi waxay muujinayaan in heerka Saboolnimada ee ka jirta magaalooyinka Somaliland tahay29%.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed