|

Shirweynaha Qabyaaladdiidka Somaliland- Shirkii Ugu Horreeyey Noociisa Oo Kale Dalkeena Oo Si Rasmi Ah Uga Furmay Magaalada Boorama

Boorama 13.November 2016 (SDN/QJ):- Shirweyne noociisa oo kale ah kii koowaad ee laga ga arrinsanaayo ka hortagidda iyo la dagaalanka dhibbaatada Qabyaaladda ee saamaynta xun ku leh guud ahaan umadda Soomaaliyeed oo ay ka soo qeyb-galeen wakiilo ama dad u ololeeya cidhibtirka qabyaalada oo ka socda dhammaan goballada Somaliland, ayaa si rasmi ah uga furmay magaalada Boorama ee xarunta gobalka Awdal.

qabyaaladdiidkaShirkan oo socon doona muddo laba cisho ah isla mar ahaantanaa ay soo qaban-qaabiyeen ururka Qabyaaladdiidka Somaliland(OCQ) oo uu hor kacaayo wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Somaliland Md.Cabdikariin Axmed Mooge, Haldoor Barkhad Jaamac Xirsi Batuun oo ka soo jeeda beelaha Gabooye isla mar ahaantaana ah Xoghayaha Cadaaladda Xisbiga WADDANI iyo weliba sida oo kale diraneyaal u dhaqdhaqaaqa la dagaalanka iyo ka hortagidda Aafada Qabyaaladda, ayaa waxa lagu gorfeyn doonaa sida oo kale na lagu qiimeyn doonaa sida sannadkii tegay uu u socday ololaha cidhibtirka Qabyaaladdu, caqabadahii jiray iyo weli ba qorsheyaasha sannadka soo socda.

 

Guddoomiyaha ururka Qabyaaladdiidka Somaliland Md.Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa faah faahin ka bixiyey ujeedka kulanka iyo weliba sida oo kale waxyaabaha u qorsheysan in kulanka laga soo saaro. “Wey ku farxad galinaysaa oo macno weyn bay kuu samaynaysaa marka aad ka qayb gasho kulan lagu-lafo-guraayo mushkilad haysata umaddaada, waxaa ku qiiro gelinayaa ee macnaha weyn samaynayaa waa in qof wakhtigiisa ka soo jaro laba cisho si uu qayb uga noqdo dadaal mutadawacnimo oo dan guud ah. Waa kullan lagu-lafoguraayo oo lagaga tashanaayo guud ahaan sida uu u socdo Ololaha Cidhibtirka Qabyaaladdu, gaar ahaana diirada lagu saarayo wixii qabsoomay, caqabado haday jireen sanadkii tagey iyo qorshaynta hawlaha la qabandoono sanadka soo socda.”.Ayuu yidhi Cabdikariin Axmed Mooge. Abwaan Cawaale Ismaaciil Saleebaan(Cawaale Deeqsi) oo isna ka mid ah dadka u ololeeya la dagaalanka Qabyaaladda isla mar ahaantaana ka hadlay kulankaas, ayaa sheegay kulankan qabyaaladdiidku uu socon doono muddo laba cisho ah. “Waxa noo qabsoomay wajigii koowaad ee shirka qabyaalad-diidka gobollada Somaliland oo nooga soconaya muddo laba cisho ah Hotel Rays ee magaaladda Borama. Shirka waxa lagaga tashanayaa aayeha iyo mustaqbalka (OCQ).”.Ayuu yidhi Abwaan Cawaale Deeqsi

Shirkan ayaa noqonata kii ugu horreeeyey ee noociisa oo kale ah ee ka qabsooma Somaliland wakhti qabtaaladda iyo hadalada qabiilaysani xadhkaga goosteen tan iyo intii xukuumaddani talada dalka timid iyada oo ay shirkaasi soo qaban qaabiyeen dhallinyaro qabyaalad diid ah oo uu hogaaminayo Cabdikariin A. Moge

Comments are closed