|

Shirweynaha 15-aad ee Cilmi-baarista Soomaaliyeed oo Muqdisho ka Furmay

Muqdisho (QJ) Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa daah-furay Shirweynaha 15-aad ee Cilmi-baarista Soomaaliyeed (International Congress of Somali Studies), kaas oo markii ugu horreysay muddo 35 sano ah maanta lagu qabto magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan ayaa ku nuux-nuuxsaday muhiimadda ay leedahay in qaab cilmiyeysan loo adeegsado daraasaadka caqabadaha hortaagan horumarka dowlad-dhisidda, horumarinta dhaqaalaha, iyo aqoonta Soomaaliya. Waxa uu xusay in dowladda ay ka go’an tahay in ay taageerto aqoonyahannada iyo cilmi-baarayaasha Soomaaliyeed si xal waara loogu helo arrimaha ka hor-tagaya isku-filnaanshaha shacabka Soomaaliyeed.

“Halgankii aan ku jirnay dowlad dhisidda tan iyo burburkii, waxaan mar walba dareemaynay maqnaanshaha kaalintii mufakiriinta Soomaaliyeed oo si dhab ah u darsin lahaa dhibaatooyinka na soo food saara, nasiib wanaag shirweynahan waxa uu soo galay waqtigii ugu muhiimsanaa, waana inaan ka faa’ideysanaa. oo degdeg ah.”

Shirweynihii 15-aad ee Cilmi-baarista Soomaaliyeed oo markii ugu horreysay la qabtay sannadkii 1979-kii, ayaa waxaa sannadkan ka qaybgalay ergooyin ka badan 400 oo qof, kuwaasoo isugu jiray aqoonyahanno Soomaaliyeed, cilmi-baarayaal caalami ah, iyo qaar ka mid ah madaxda jaamacadaha Geeska Afrika. Shirweynahan ayaa la filayaa in lasoo gaba gabeeyo iyadoo daraasado diiradda lagu saarayo horumarinta bulshada Soomaaliyeed.

Comments are closed