Shirwaynihii 1-aad urur Siyaasadeedka NDP oo lagu Ansixiyay Golaha Dhexe, Dastuurka iyo Hogaanka Ururka.
Hargeysa-Ergooyinka Ururka NDP ayaa goor dhawayd Cod gacan taag ah ku Ansixiyay Gudida Qaban Qaabada Shir gudoonka urur Siyaasadeedka NDP oo ka kooban Afar Xubnood oo kala yihiin, Gudoomiyaha Shirgudoonka Maxamed haybe, Maxamuud axmed ibraahin, xayaab abu kaliil, C/laahi geele
Erogooyinka Ururka NDP waxa kale oo ay Ansixiyeen Golaha Dhexe ee urur, Dastuurka Ururka NDP iyo Hogaanka Rasmiga ah ee ururka oo kala oo noqon doona sidan:
Gudoomiyaha ururka Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan
Gudoomiye ku xigeenka ururka C/casiis Saleebaan
Xoghayaha Guud ee ururka Axmed Maxamed Jaamac
Shirwaynaha Ururka NDP oo ahaa mid si Balaadhan looga soo wada qayb galay ayaa waxaa goordhayd madasha soo Fadhiistay Wasiirkii hore ee Duulista iyo Hawada Cali Maxamed Warancade oo ka mid ah Masuuliyiinta Sarsare Xisbiga Udub Waxaanu halkaasi ka Sheegay in ay Sharaf wayn u tahay ka qayb galka Shirwaynaha urur Siyaasadeedka NDP, WAxaanu Hambalyo u diray Gudoomiyaha Ururka NDP marwo Foosiya Yuusuf X.aadan “Waxaan Qirayaa, Foosiya in ay dhaqan ahaan ka soo jeedo Qoys qiimo ku leh Somaliland, waxaan leeyahay foosiya waxa ay haysaa tubtii qoyskeeda”
Cali waran Cadde oo hadalkiisa sii taga ayaa waxa uu yidhi“Foosiya dumarka way ka soo baxday sida aan aniguba raga uga soo baxay, runtii waxaad tahay inantii ugu horaysay ee Huguraysa Jagadaa sare ee Madaxtinimada dalka, waan kugu hambalyaynayaa hankaa Wanaagsan ee aad ku hamiday”
Suldaan yuusuf Maxamed Xiiray oo ka mid ah Salaadiinta Somaliland oo ka hadlay Xaflada Shirwaynaha koowaad ee Ururka NDP ayaa ka Dhawaajiyay in uu ku Faraxsanyahay in lagu Soo sharfo Salaadiinta Somaliland Shirwaynaha Ururkan, Suldaanku waxa uu tilmaamay in uu Aad ugu Hambalyaynayo Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan in ay Hankaa siyaasadeed yeelato isaga oo xusay in ay la tartamayso 18 urur siyaasadeed oo ay hogaaminayaa dhamaantood Rag.
Suldaan Xiiray waxa kale oo uu Ka waramay in Dumar badan oo maanta kaalin firfircoon kaga jira dalka ay jiraan oo ay ka mid tahay gabadhii maayarka ka ahayd gabiley, sidaa darteed ay haboon tahay in dumarku kaalintooda ka qaataan Siyaasada dalka.
Suldaan Xiiray Waxa uu sheegay in Suldaan ahaan iyo dhaqan ahaan ay soo dhawaynayaan Ururka NDP, waxa uu Gudida doorashooyinka ku dhiiri galiyay in Axsaabta soo baxaysa laga dhigo laba urur oo Rag ah iyo Mid ay Haweenay hogaaminayso, waxa kale oo uu Dumarka ku dhiiri galiyay in ay Soo saaraan Haweenka hogaanka Dalka ku hanwayn
Xildhibaan Cumar Nuur Waaye oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Guurtida oo hadal kooban ka jeediyay madasha ayaa u duceeyay Gudoomiyaha ururka NDP Marwo foosiya Yuusuf Xaaji aadan oo uu Tilmaamay in ay tahay Gabadh dadaal iyo samir badan oo ay ku soo gaadhay halkaa maanta ay taagantahay.
Waxa uu sheegay in 18-ka urur Siyaasadeed ay tartamayaan oo ay ku jirto urur ay hogaaminayso haweenay, waxa uu sheegay in Ficil badan laga rabo dumarka oo uu sheegay in ay dadka ugu badani dumaryihiin dalka oo dhan, waxaa uu sheegay in ay muhuum tahay in ay gabadhaa kaliya ee ku jirta ururadda ay soo saaraan.
Gudoomiyaha Garabka Dhalinyarada ururka NDP Rabiic Maxamed Xuseen oo ka hadlay Xaflada ayaa ku dheeraaday doorka dhalinyaru ku yeelan karaan ururka, waxa uu ku dhiiri galiyay dhalinyaradu in ay ku doortaan Marwo foosiya Waxqabadkii kala duwanaa ee ay Somaliland ka hirgalisay iyada oo ahayd Marwadii Aasaasay Jaamacada Hargaysa.
Waxa uu ku dheeraaday in Dhalinyar ahaan ay Aaminsanyihiin in la tartamo Ururka NDP-na kaalin wayn siinayo Dhalinyarada Somaliland.
Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan c/qaadir oo ka hadlay Xafladaasi ayaa isaguna Umahad naqay ergooyinka iyo marti sharafta kale ee ka soo qayb galay shirwaynaha koowaad ee urur siyaasadeedka NDP
Suldaanku Waxa uu sheegay in Xukuumadu siyaasad ka leedahay ururada Waxaanu ka Digay khilaafyada ka dhex dhaca ururadda Siyaadada dhexdeeda aan Xabad.
Suldaanku Waxa uu Ku Amaanay Gudoomiyaha ku Meel gaadhka ah ee Ururka NDP in ay ka soo jeedo Qoys Aqoonta iyo cilmiga Caan ku ah oo taariikh ku leh Somaliland “Foosiya waxa ay ka soo jeedaa qoys Aqoonta Somaliland ku Caan baxay, Abaalkoodii waxaa guddi kara, Ardayda Jaamacadaha, Dugsiyada, dadaal badan ayay samaysay, arinkeeduna waa arin wadaniyadaysan oo siyaasadaysan, waxaan ku talinaya in aan la fudaydsan marwadaasi, ha eegin in aad reero kala tihiin, haweenku marka ugu danbaysa ayuunbay kala biiqaan, waxaan ku talinayaa in Haweenka Somaliland wax isku ogalaadaan” ayuu yidhi Suldaanka Guud ee Somaliland.
Suldaan Maxamed Waxa uu ka Codsay Madaxwaynaha iyo Xisbul Xaakimka Kulmiye in Cadaalada la illaaliyo, Waxa kale oo uu Xusay in Sharciga la horkeeno Masuuliyiinta Ku Xidhan Xabsiyada Somaliland oo uu ka mid yahay Boqor Cismaan Buur Madaw iyo Gudoomiyihii Gobolka Maroodi Jeex, Waxaanu sheegay in Dadka xidhan wixii danbi ah ee lagu hayo maxkamad la soo joojiyo, hadii aan waxba lagu hayn xoriyadoodii si degdeg ah loogu soo celiyo,
Axsaabtu waxay ku tartamaysaa cida qaban doonta xukunka dalka, Somaliland markaad eegto 75% waa dumar, maanta foosiya oo usoo banbaxday in ay tartanka ka qayb gasho, dumarku oo in badan hoos loo Cadaadin jirayna ay maanta ka goosan doonaan, waxaan filayaa in wixii laga waayay raga laga heli waayo laga heli doono dumarka, haweenku maanta guntiga dhiisha ha iskaga dhigaan, Qaranka talaad ku leedihiin kaalintiina buuxiya, dumarku sida ay awlaada u koriyaan ayay somalilandna u dhaqi doonaan”
Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir Waxa uu aad ugu booriyay in loo kaco oo aan maanta loo kala hadhin Qoyskii Aqoonta Somaliland u Horseeday oo ay Ceeb ku tahay Bulshada iyo dhalinyarada Somaliland in ay ka kala Masuugaan taageerada Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan.
“Maanta waxaa inoo foolxumo ah in gabadhaa maanta hanka la soo kacday in maanta aynu cidlo kaga dhaqaaqno, Salaadiintu xisbina maaha, balse waanu kala qayb galnaa cidii nagu marti qaada, wali intaan Sanduuq isdultaagay umaan codaynin madaxwayne Balse maanta Foosiya Waan ugu Ridayaa” ayuu yidhi Suldaanka Guud ee Somaliland
SDN-Hargeysa