|

Shirkii Midnimada Punt land oo la Shaaciyay inuu qabsoomayo 15 May DHAGAYSO

Garowe 03.May 2015 (SDN/QJ)- Afhayeenka gudiga qaban-qaabada shirweynaha wadatashiga iyo midnimada Puntland Siciid Sheikh Xassan aya maanta shaaciyey xiliga la qabanayo shirka watadashiga iyo midnimada Puntland kaasi oo 15-ka Bishan May ka dhacaya magalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Shirka oo ka dhici doona xarunta golaha wakiilada Puntland ee Garoowe,aya Afayeenku waxaa uu sheegay in Ahmiyadda Shirkan ay tahay sidi shacabka Puntland iyo dowladdu iga wada xaajoon lahayeen midnimada iyo wadajirka Puntland,islamakana la qancisyo beelaha kamida dadki wada dhistay xukuumadda Puntland ee wax tirsanaya.

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas aya xiligii uu u tartamayey Madaxtinimada Puntland inu isu keeni doono dhamaan Beelihi ku midoobay Puntland,isagoona intaasi raaciyey inu saxi doono waxyaabihi qaldamay islakana qancin doono dhamaan dadka wax tirsanaya.

GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO AFHAYEENKA SHIRKAAS
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/ShirkiiMidnimada.mp3″]

Comments are closed