Shirkii maamul u sameynta Gobolada Dhexe oo aan maanta furmin
Cadaado May 29,2015(SDN/QJ)-Wararka aynu ka heleyno magaalada Cadaado ee xarunta Maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa sheegaya in dib u dhac uu ku yimid shirka maamul u sameynta gobolada dhexe ee dalka in uu maanta ka furmo magaalada Cadaado.
Xubno katirsan guddi farsamo ee shirka maamul u sameynta gobolada dhexe ayaa noo sheegay in sababaha dib udhaca shirkaasi ay tahay khilaafaad soo kala dhex galay xubnaha ku jiro guddiga farsamo ee maamul u sameynta gobolada dhexe.
Shirka maamul u sameynta gobolada dhexe ee dalka ayaa maanta lagu waday in uu ka furmo magaalada Cadaado iyadoona ergada lagu balan sanaa in ay soo xulaan xubnaha baarlamaanka maamulkaasi si ugu dambeyn ay u doortaan madaxweynaha Maamulka Gobolada dhexe.
Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya isla markaana uu hogaaminayo waziirka arimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku sugan magaalada Cadaado waxaana la sheegayaa in uu wado waziirka isku dayo uu ku doonayo in uu ku dhameeyo khilaafaadkaani soo kala dhex galay xubnaha farsamo ee shirka maamul u sameynta gobolada dhexe ee dalka.
SDN/QJ-Cadaado