|

Shirkii Lagaga Hadlayey Isbadelka Cimilada Adduunka Oo Galay Maalintii Todobaad Iyo Gudoomiyaha Ururka BVO Ee Hargeysa Ka Jira Oo Ka Warantay Halka Uu Marayo.

Hargeysa,6Dec,2015(QJ/SDN)-Magaalada Paris ee xarunta dalka Faransiiska waxa maalintii toddobaad ka socda shirka isbadelka cimilada adduunka kaas oo sannadkiiba la  qabto bisha December.

Shirkan ayaa sannadkan diirada waxa lagu saaray sidii loo dajin lahaa qorshe heshiis oo lagu doonayo in wax lagaga qabto isbadelka cimilada dunida ee sii kululaanaya.

Ergooyinka shirkan ka qayb-galay ee ka socda Somaliland waxa ka mid ah Guddoomiyaha Ururka Barwaaqo Voluntary Organizations oo ka mid ah ururada somaliland ee ka shaqeeya arimaha deegaanka Marwo Khadra Cumar Xasan , iyadoo ku sugan magaalada Paris oo ay shirkan kaga qayb-galayso waxa ay khadka tilifoonka ugu warantay Cabdicasiis Caydiid Yamani oo ka tirsan Radio Hargeysa.

Ugu horayntii Khadra Cumar Xasan waxa ay ka waramaysaa shirkan iyo ujeedooyinka loo qabtay waxaana ay tidhi:-“Shirka Paris ka socda waxa weeyaan shir weyn oo caalamiya oo ay isugu yimaadeen dhamaanba caalamka waxa uu ka hadlayaa shirkani cimilada adduunka ee is badelaysa , haddii ay tahay kulaylka iyo haddii ay tahay qabowga waxaana la yidhaahdaa(Climate Change),waxaana la qabtaa sannadkiiba mar bishan oo kale markaa waxa weeyaan shir aad u balaadhan oo caalami ah”.

Geesta Kale Khadra Cumar Xasan waxa ay sheegtay in nuxurka shirkan lagaga hadlayo uu yahay is badelka cimilada iyo sidii wax looga qabn lahaa “Shirku wali wuu socdaa waxa uu imika galay maalintiisi toddobaad waxa uu soconayaa laba iyo toban cisho ,markaa maalinta ugu horaysa waa furitaan waxa ka soo qayb-galay dhamaanba madaxweynayaasha iyo Raysal-wasaarayaasha caalamka, waxaana maalintii ugu horaysay  ka soo qayb-galay 150-Madaxweyne ,runtii waxa lagaga hadlaaa shirkan sidii loo hagaajin lahaa ama looga hor-tagi lahaa dhibaatooyinka ay keeni karto marka ay hawadu is badesho ama ay xumaato ,markaa way kala duwan yihiin waxyaabaha lagu eegayo shirkan  sababtoo ah waxa loo sii kala baxayaa intaas oo kun oo shirar oo kala duwankuwaas oo haatan socda,dabadeetana qolo waliba waxa ay ka hadlaysaa waxyaabaha ugu sii daran ama mawduucyada markaa khuseeya , haddii ay tahay afrika gaarbay u socotaa , waxa socota iyaduna yurubtii ,Maraykanka ayaa isna meel gaara ku shiraya ,mararka qaarna waa laysu imanayaa  ,markaa nuxurka marka aan kuu sheego waxa laga hadlayaa uun waa is badelka cimilada.”.

Khadra Cumar Xasan  oo hadlkeeda sii wadata ayaa sheegtay in dhaqaale aad u badan loo balan-qaaday dalalka  waddamada soo koraya oo ah dalalka ugu badan ee la kulma wasakhawga ay sababaan warshadaha dalalka horumaray ee adduunka waxaana ay tidhi:-“Way jiraan balan-qaadyo aad u badan oo la samaynayo oo la leeyahay waxa la siinayaa intaas oo lacag ah , waxa lagu qabanayaa waxaas iyo waxaas , way fara badan yihiin runtii balan-qaadyada ka socda meesha ,waxaana nuxurka ugu dambeeya la eegi doonaa maalinta khamiista oo shirku jimcaha ayuu xidhmayaa , markaa balan-qaadyadu runtii ma yara Maraykanka haddii ay tahay, Baanka adduunka haddii ay tahay ,Holland haddii ay tahay, Canada haddii ay tahay waddamadaasi wax fara badan ayey balan-qaadeen oo ay leeyihiin waanu bixinaynaa ,laakiin su’aasha is weydiinta mudani waxa ay tahay waxtarku intee ayuu leeg yahay, balan-qaadyada la samaynayaa se ma yihiin qaar waxtar leh oo la gaadhsiinayo dalkii iyo dadkii loogu balan-qaaday”.

Shirka is badel cimilada ee Magaalada paris ka socda waxa kale oo qayb ka ah  ururada bulshada kuwaasi oo ka kala socda waddamada caalamka iyo kuwa caalamiga ah haddaba muxuu yahay doorka ururadani u leeyihiin shirka su’aashaasi waxa ka jawaabay Khadra Cumar Cabdi Guddoomiyaha Ururka BVO waxaana ay tidhi:-“Runtii ururo aad u fara badan ayaa jooga shirka oo ka kala socda dhamaanba caalamka iyo haayadaha caalamiga ah kuwa UN-ka gaarbaa  laysku raaciyey waxaana loo sameeyey hoolal u gaara ,doodaha iyo barnaamijyada ay ka shaqaynayaana aad bay u fara badan yihiin , waxa markaa meesha iyaduna ku jirta oo ay awood u leeyhiin oo ay riixayaan in balan-qaadyada had iyo jeer soo baxa la fuliyo oo sidii loogu talo-galay loo fuliyo oo meelihii loogu talo-galay la gaadhsiiyo ,markaa ururada bulshadu waxay meesha ku leeyihiin dhaq-dhaqaaq aad u badan oo runtii aad ka dhex dareemi karto shirka”.

Shirkan ayaa waxa la filayaa in la soo gabagabeeyo maalinta jimcaha ah ee laba iyo tobanka bishan waxaana lagaga soo saari doonaa heshiis midaysan oo lagu wajahayo ama lagu yaraynayo khatarta is badelka cimilada oo caalamka saamayn ku yeelatay.

Xigasho: Radio Hargeysa

Comments are closed