|

Shirkii India iyo Afrika oo ka furmay New Dalhi iyo Ballan-qaad loo Sameeyay Afrika – SAWIRRO

New-Delhi,29Oct,2015(QJ/SDN)-Shir-madaxeedkii dalalka Afrika iyo India ayaa ka furmay maanta magaalada New Delhi ee xarunta dalka hindiya, iyadoo ra’iisul wasaaraha Hindiya, Narendra Modi oo kaga dhawaaqay shirka inuu dalalka Afrika ku caawinayo 600 oo Milyan oo doollarka Mareykanka.

Waxaa shirkan ka qayb-galay in ka badan 50-hoggaamiye oo Afrikaan ah oo uu ku jiro madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo madaxdan lagu wareejinayo maanta qaybo ka mid ah magaalada New Delhi.

Sidoo kale, ganacsiga dalka India iyo Afrika ayaa sare u kacay tan iyo 2007-dii qiime lagu qiyaasay 72-bilyan oo doollarka Mareykanka ah, iyadoo shirkanna lagaga hadlayo xoojinta ganacsiga ka dhexeeya Afrika iyo Hindiya.

Madaxda Afrika ee shirkan ka qaybgalay ayaa waxaa ka mid ah; madaxweynaha Koonfur Afrika, Jacob Zuma, madaxweynaha Zimbabwe, Robert Mugabe iyo madaxweynaha Suudaan, Cumar Xasan Al-bashiir.

Wararka ayaa sheegaya in shirkan uu yahay kii ugu weynaa ee India lagu qabto tan iyo sannadkii 1983-kii, iyadoo ay ka qaybgalayaan hoggaamiyeyaashii ugu badnaa ee Afrika ka socda.

RW India Modi ayaa shirka ka sheegay in Afrika iyo Hindiya ay yihiin kuwo ay ka ifayso rajo-wanaagsan oo dhanka horumarka dhaqaalaha caalamka ah. isagoo intaas ku daray. “Waxaan rajeynayaa in Afrika iyo Hindiya ay noqdaan kuwa ugu dhaqaalaha badan dunida sannadka soo socda.”

Dowladda India ayaa waxay daneynaysaa ka faa’iideysiga khayraadka dabiiciga ah ee waddamada Afirka, hadalka dhankeeda ay dalalka Afrika daneynayso inay iyadana ka faa’iideysato khibradaha tiknolojiyadeed ee India, sida farsamada IT-ga iyo taleefoonnada gacanta.

Xalay ayaa waxaa xidhnaa ganacsiyada ku yaalla bartamaha magaalada New Delhi halkaasoo lagu wareejinayay madaxda Afrikaanka ah ee shirka ka qaybgalaya si ay u arkaan horumarka ganacsi ee India ku tallaabsatay.

Ugu dambeyn, shirkan ayaa lagu wadaa in marka uu soo xidhmo laga soo saaro war-murtiyeed wadajir ah oo ku saabtan xidhiidhka Hindiya iyo Afrika iyo sidii ay u sameysan lahaayeen xidhiidh wanaagsan oo dhanka ganacsiga ah.

 

Comments are closed