|

Shirkii Golaha Wasiirrada ee Shalay Oo Lagaga Hadlay Goosashada Xaabsade iyo Jawaabta Wasiirrada Beesha Harti Bixiyeen

Hargeysa:Aug,13,2014(SDN/QJ)-Shirkii Golaha Wasiirrada ee Shalay ka dhacay Aqalka Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu soo hadal qaaday Goosashada Axmed Axmed Xaabsade oo habeenadan ku sugnaa Magaalada Garowe ee Maamulka Puntland.

shirka golaha wasiirada soalilandSida ay sheegayaan wararka ay heshay Qurbejoog.com, waxa goosashadaas la isku  weydiiyey Shirkaas, iyadoo wakhti kooban la faaqiday sababta keentay inuu axmed Cabdi xaasade Somaliland ka goosto, isla-markaana madaxweynaha iyo wasiirraduba sababo kala duwan u sameeyeen tegitaankiisa.

Sida ay noo sheegeen wararka aanu Haynaa,waxa Golaha laga dhex sheegay  natiijada ka dhalan karta tegitaanka Oday xaabsade oo muddo badan dhex fadhiyi jirey golaha wasiirrada Somaliland, isla-markaana haya Xog badan oo la xidhiidha siraha  hoose ee dalka iyo waliba midda xukuumadda madaxweyne  Siilaanyo oo uu muddo ka tirsanaan jirey.

Xubno ka mid ah wasiirada madaxweyne Siilaanyo ayaa goosashadaas ku sheegay mid wajigabax ku ah dalka, isla-markaana noqon karta hantaaqo siyaasadeed ee Somaliland ku dhacday marka aan runta indhaha laga qarsan, iyadoo qaar kalena ugu hal celiyeen inaanu xaabsade bixitaankiisu waxba yeeli Karin qaddiyada iyo siyaasadda dalka.

Madaxweyne siilaanyo ayaa isaga laftiisu ra’yi ka dhiibtay bixintaanka Xaabsade, waxana uu sheegay inaanu garanayn sababta uu axmed xaabsade kaga quustay dalkiisa Somaliland, maadaama uu u yaqaanay nin maanta da’ ah oo khaatumo fiican lagu tuhmayey.

Waxa uu madaxweyne silaanyo sheegay inaanu jirin wax khilaaf ama is afgaran waa ah oo isaga iyo xaabsade dhex maray, balse aanu in muddo ah wajigiisa arag oo isagoo Hargeysa jooga aanay is arki jirin.

Xubanah wasiirrada kasoo jeeda Beesha Hartiga ayaa la weydiiyey su’aalo ah waxa ay ka Ogyihiin Mawqifka xaabsade qaatay, kuwaas oo ku sheegay inaanu mawqifkiisa waxba uga sheegin oo ay ku war heleen inuu garowe gaadhay, iyagoo ku adkaystay inaanu go’aankiisa iyaga ka talo gelin oo isaga gaar u ahaa.

Waxay ay xubnahaas oo uu Cali Sanaddule ka mid ahaa sheegeen in tegitaanka Xaabsade aanay wax yeelaynin Somaliland, maadaama cudurdaarka uu haystaa kaliya ay tahay inuu xildoon yahay oo aanu wax mabda’a ah lahayn hadalkaas oo xubnaha madaxwyenaha ku dhawi aad ugu sacabiyeen.

Xubahana wasiirrada miisaanka ku leh xukuumadda ayaa iyagu sheegay in Dadka deegaanada Bariga Somaliland ku dhaqani aanay haatann diyaar u ahayn siyaasiyiin guurguurta, isla-markaana xubnaha maanta deegaanadaas kaga jira Somaliland looga Baahan yahay inay dadkooda kasbadaan oo ay ka feejignaadaan Shirqoollada uu xaabsade kasoo  maleegayo dhinaca Garowe.

Waa markii ugu horaysay ee Tegitaanka Xaabsade lagu soo hadal qaado Fadhiga Golaha Wasiirrada Somaliland, iyadoo ugu dambayntii la isku qanciyey in laga gaashaanto xadhkaha uu xaabsade Somaliland usoo  maleegayo, isla-markaana laga hortago inuu faro gelin kusameeyo shacabka Deegaanka sool oo uu dhalasho ahaan kasoo jeedo.

 

 SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed