|

Shirkii Golaha wasiiradda Ee Khamiista Oo Shalay Loo Baajiyey Jallaafooyin Loo Xidhayey Muuse Biixi iyo Shirar Hoose Oo La Iskugu Habarwacday

Hargeysa:1-Nov-2013(SDN)-Shirkii Golaha wasiirrada ee Khamiis kasta dhici jirey, ayaan maalintii shalay qabsoomin iyadoo xaraarada xisbiga Kulmiye  Meel Sare Marayso oo  la sii kala fogaanayo.

GOLE SSSXukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo ka Masuul ah Khilaafka kala irdheeyey Xisbiga Kulmiye ayaa ku wargelisay Wasiirradeeda inaan maalinta khamiista wax shir ahi qabsoomi doonin, waxana ay taas Beddelkeeda wasiirada u fasaxday inay Kulamo ku yeeshaan meelo gaar ah oo aan cidi ogayn si loo adkeeyo Khilaafka la dhex dhigay xisbiga xukuumaddani ka dhalatay.

Sida ay qaar ka mid ah wasiirradu  noo sheegeen, waxa  xukuumaddu u dirtay wasiirada Farriimo Qoraal ah oo lagu wargeliyey Baaqashadii shirkii Caadada ahaa ee Wasiirrada, lamana sheegin wax Hawl ah oo taas Beddelkeeda la qaban doono, balse waxa inta Badan wasiirada lagu kalsoonyahay loo sheegay inay Meelo gaar ah kaga qayb galaan shirar gaar ah oo lagaga Arrinsanayo Arrimaha ka soo Kordhay dhinaca Xisbiga.

Gelinkii Hore ee shalay waxa Madaxtooyada si gooni gooni ah u  gelayey Xubo ka mid ah Golaha Wasiirrada, iyadoo aan la Ogayn warka rasmiga ah ee la siinayey, balse la hubo in laqimayey tallaabooyinka ay ka qaadanayaan xaaladda lagu waajahayo Mujaahidiinta madluumsan ee lagu sii daayey wasiirka  maaliyadda qaranka Adeegsanaya.

Sidoo kale waxa shirar gaar ah qaar ka mid ah wasiirradu ku lahaayeen Aqalka Wasiir Samaale,  waxana Ujeeddadu ahayd sidii loo sii adkayn lahaa tafaraaruqa Kulmiye La Dhex Dhigay oo Xukuumadda Dhexdeeda looga yaqaan Libin Ballaadhan oo taariiki ah taas oo Lagu wiiqay cududdii Hoggaanka Xisbiga Kulmiye.

Wasiirrada ugu fadallada Cadcad Dagaalka lagula jiro Hoggaanka Kulmiye, ayaa waxa ugu Horreeya Wasiirrada Wasaaradaha Warfaafinta, Duulista Hawada, Macdanta iyo Tamarta, Deegaanka, xannaanada Xoolaha, Beeraha, ciyaaraha, shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Masuuliyiin kale oo u badan dhawaan soogal aan taariikhda Xisbiga Kulmiye Meelna ka soo Gelin.

Shirarkan ayaa lagu wadaa inay maanta oo Jimce ahna sii socdaan, waxana lagu wadaa inuu Dagaalka ka dhanka ah Guddoomiye Muuse iyo Asxaabtiisu sii Ballaadho, iyadoo Xukuumaddu Haatan ku hawllan taha sidii ay khilaafka oo Haatan caasimadda uun u eg ugu waaridi lahayd Gobollada iyo Degmooyinka si loo badiyo furimaha Dagaal ee Muuse ka dhanka ah.

 

Guddoomiye Muuse oo ah xubinta ugu taageerada Badan Xisbiga Kulmiye dhexdiisa, ayaa Haatan ay xukuumaddu ku qaadday dagaal ka dhan ah Hammigiisa, waxana isaga iyo kooxdiisa laga sugayaa inay Bulshada siiyaan faahfaahin la xidhiidha tallaabooyinka uga qorshaysan Jillaafooyinkan ay xukuumaddu la damacsan tahay.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed