Shirkii Garoowe oo Shariif Xasan u xalaaleeyay xilkii laga qaaday
Garoowe Dec 26,2011(qurbejoog.com)-Shirkii dhawaanta lagu qabtay magaalada Garoowe ee wada tashiga Soomaalida ayaa waxa ka qeyb galay kiyoo metelaya Baarlamaanka Soomaaliya.
Arintan ayaa waxa ay lidi ku tahay goaan dhawaan uu saaray baarlamaanka Soomaaliya oo xilka uu uga qaadadey Shariif Xasan sheekh Aadan.
Ergeyga gaadhka ah ee Soomaaliya iyo madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ayaa ku adkeystay ka qeybgalka shirka ee Shariif Xasan.
Sheekh Shariif ayaa keli ku noqday ku adkeysiga xilka qaadista Shariif Xasan aakhirkiina waxa dhacday in shirkii uu ka qeybgalo Shariif Xasan.
Tilaabadaasi waxa ay gebi ahaanba meesha ka sareysaa goaankii uu Baarlamaanku xilka uga qaaday Guddomiyaha.
Shariif Xasan ayaa u muuqda ruux cilaaqaadyo aan cidi la socon la galay qolada hagta siyaasada Soomalida.
Ma cada raadka arrintani ku yeelan karto siyaasada aan cagaha fara badan ku taagneyn ee Soomaaliya.
Qurbejoog-Garoowe